Posts

Showing posts from December, 2018

Maanso: Saaxiibkay Wehliye

Image
Maanso: saaxiibkay Wehliye maansadan waxaan utiriyey saaxiib kamid ah saaxiibada aan isugu dhawnahay waqtina wada joognay balse aan kala irdhawnay isagana uu ku laabtay magaaladii uu kusoo bar-baaray ee kismayo ana xamar aan joogay sidaas darteed erayadan isagana ku socdee; waxaana tiriyey 4 may 2018, erayaduna waa kuwan: Wehliyow Waayadan, Waan isu War la'aynee, Weedhihii wacnaa, Baryo maynaan wadaagine, Bartii wadahadalkiyo, Isku wareysan jirnay, Saakay wayna waysantee, Xamartii weynayd baan, Kaaga Soo waramayaaye, Waaberi iyo wardhiigley, Ilaa waxar cadaha fog, Wadadii wadnihiyo, Wadajir salkeedii, Waqal baa uda'ayoo, Nabad bay waarayaan, Reerku waa waanagsanyahaye, Bal adna waranoo, Wadankii kismaayiyo, Warihii jubba iyo, Warsan afmadow, Goobweynta wabigiyo, Wadarisay badweyntana, Gedi bulshadii waamo, Sidee weeye warkoodu? Wawga maansada, Waxba yaanan wadine, Wehel rumaad saaxiibiyo, Walaalkay baad ahayd...

Qormo: Xiriir noocee ah ayaanu leenahay aniga iyo Macalinkayga?

Image
Dhab ahaan waxbarida caruurta waa shay aad umuhiim ah oo qof weliba ku fikiro gaar ahaan waalidinta iyo macalimIinta. hooyo iyo aabe walba waxay aad ugu mashquulaan sida ay caruurtooda wax ku baran lahaayeen si ay nolol aayatiin fiican leh ugu noolaadan isla sidaase macalinkuna waxa uu waqti badan ku bixiyaa sida ardadiisa uu  wax ubari lahaa. lkn hal arin oo muhiiim ah ayaa jira oo ka wada maqan siday aniga ila tahay waalidinta iyo macalimiinta soomaaliyeed. waana su'aasha ah "sida caruurta yari ay wax ku baran karaan" oo ay ila tahay inaan wax badan laga fikirin?" way dhacdaa in caruurta loo diyaariyo dhammaan wixi ka saacidi lahaa waxbarashadiisa sida schoolki,qalabki waxbarasho iyo macaliminti wax bari lahaydba. lkn inta badan laguma dadaalo sida loo abuuri lahaa (xiriir iyo is fahan) ka dhexeeya ardayga iyo macalinka taas oo wax ka badan ka badali lahayd hanaanka waxbarasho ee haysata caruurteena. su'aal kale, "horta ardayga wax maka karaa...

Maanso: Talo-isasiin nafeed

Image
Maanso: Talo-isasiin nafeed "Waqtiyada qaar waxaa dhacda inaad nafsadaada la hadasho si waxa aad waqtigaas dareemayso aad uga nafisto. hadaba adigoo waxyaabaha qaar saluugsan hadaad isla hadli lahayd maxaad ku oran lahayd naftaada. waxaan tiriyey maasadan waqti ay wax badan iga qaldanaayeen balse markii aan tiriyey aan aad uxasilay. erayadana sidatan ayey udhacayaan; Naftu samir kaasho bay ku tiri, Karti dulqaado bay ku tiri, abuur kalsooni bay ku tiri, kifaaxa raadi bay ku tiri, kasbo khibraday ku tiri, kordhi aqoontay ku tiri, kalsan noolow bay ku tiri, kasmo dadaal bay ku tiri, kurbada jooji bay ku tiri, kadabjar walaacay ku tiri, kaalmayso wanaagay ku tiri, ukac cibaadaday ku tiri, kalah salaaday ku tiri, kumi sadaqo baxsay ku tiri, kaaftoon intaad haysatay ku tiri, ukaydso beri bay ku tiri, kaasho dhaqansan bay ku tiri, kaalin waxtara noqoy ku tiri, koboc bulsho noqoy ku tiri, kan xumida keebka kugu rogana, kaalay cafis dheh bay ku tiri, kow unoqo asaagaa b...

Maanso: Alepo

Image
Maanso: Alepo Maansadan waxaan alifay xili ay dalka syria ay dagaalo ba'an ka jireen, waxaana kusoo hadal-qabsaday wiil aan saaxiibo nahay oo Cabdifitah la dhaho. Erayada maansada sidan ayey udhacayaan; Ma Abtirin cabdow waayadan,  Ereygii maanso'e. Alifkii ka tagayoo,  Geesmaray aaladiiye. Balse waxaan aamusaba, maantay waan afmaalayaaye, Adkaysan waayoo hurdada, waan asqaysnahaye, Uurkaa idamqanaya, Sidan aafaysnahaye, Ehelkii suuriyiyo, Aqrabadii Alepo (xalab) baa arkaa, Oofaha la goynayee, Xasuuqiyo ibtilaa ka socota, Aleyl iyo maaline, Unuunka la jarayaa, Ubax caruurtii dheh, Umal baa uwada suran, Amal hooyooyinkii dheh, Looma aabayeelin gedi, Asal sunigii dheh, Ilmaa Hooraysa, Albaabadii Idlib dheh, Asad shiiciyo, Gaalo Arxan la'baa, Adhaxda gooyey halyeeyadiiye, Umadiina qax loo igmayoo, dacalada aduun aadeene, Idin mee dunidii islaamikiyo, Ummadii Muxamadeey, Idin mee isirkii carabtiyo, Usradii khalijkaay, Aadanaha kuwii udoodijiriyo, idin mee aduunya...

Maanso: Dacwo

Image
Maanso: Dacwo. Erayada maansadan sidan ayey udhacayaan; Nimanyahow Dacwaan ahiyo, Nin dood weyn qaba’e, Dibnahaygii daboolnaa, Maantay waan daah rogiye Arimo door ahoon ku daalay baan, Idin wada dareensiine. Damiin dhoohan mooyee, Dabuubtaydu way idin deeqiye, Dadkoo idil baa ku diirsan iyo, Wixii duul islaam ahe, Dhalintuna ha daawato oo, Maanka haku daabacaane, Da’yartii dalkaan arkaa, Inay dulli dan moodeene, Akhlaaqdii dahabka ahayd, Waa kuwaa kasii didaya’e, Dhaqan gaalo oo daciifa bay Ku dayanayaane, Raggii dharkoodii baa lagu diray, Oo dagaal bay ku jiraane, Surwaalkii daafaha baridiyo, Bawdyahuu kasii dagtaye, Oo cawradii daboolnayd, Waa kuwaa dibada soo dhigaye, Balse waxay iigu darnayd, Kolkay suuqyadii udareereene, Oo bacihii daabusheen Sidii dooni ganacsiya’e, Hablihiina kama duwana, Waaba ay kasii daranyihiine, Iyaguna jirkoodii baa lagu diray, oo way is wada diirayaane, Damiirkii baa ka dhintoo, La waa mid lala dadabgalo'e, Oo doqon baa madow bay, Dood ka...

Maanso: Ubad.

Image
Maanso: Ubad Erayadan sidan ayey udhacayaa: Ubadka iyo Dhalaanka, Arsaaqda Eebbe weeyoo, Uumiyaha la siiyee, iLqabowsi gaar ahiyo, Aduun Nimcadiisiyo, Aflaxaada Qosykiyo, Aas-aaska noloshiyo, Abshir weeyee Ogaada. 👶 Marna waa Amaaniyo, Mas'uuliyada Adagoo, Rabi idinku Eegiye, Sidaad ababintoodiyo, Aayahooda ka yeeli, 👶 Kol hadaad Asluubiyo, Akhlaaqdooda Toosisoo, Asarkii Islaamkiyo, Diinteena Asalka ah, Oogida Salaadiyo, Sadaqada Ajarka leh, oo aad Aqriskiyo qoraalka, Aqoontooda abaabusho, inay Intifaac rasmiyo, ku adeeci doonaan, waa arin la hubo'e, Ubadka Aayahooda, Abid Agaasima Aadanow. W/Q:  MohamedShokri Osman  

maanso kooban: Jaceylkii hal-haleelka

Image
Maanso kooban: Jaceylkii hal-haleelka Qiso kamid ah qisooyinka qalbiga xiriirka la leh (matters of the heart  ❤ ) oo uu iigaga qiseeyey mid kamid ah asxaabtayda kadibna aan ubixiyey (Jaceylkii Hal-haleelka) ayey ila ahaan wayday inaan afka ka xirto. Deetana halkan waxaan idin kula wadaagayaa erayo kooban oo aan qisadaas ku cabiray. #Jaceylkii  Hal-haleelka  ❤ Erayadiina waa kuwan ee ka bogasho wacan. Muxuu hanad haldoor ahi, Waayuhu ka hiilshay, Maxay habeeno badan hawshii, Hareer martay abaartii, Maxaa Hodanoo haa tiri, Hawraarsanyahay hadafkeedu, Hantiyey laguu heli waayey, ❤ Rajaa la heybsadaaye, Hoodadiyo nasiibka, Mar uun way ku hareero joogi, Hamigaad shalay lahaydiyo, Ubaxii haraadka qabay, Mar uun mahiigaan waa uhoori, ❤ Haboontaad ku hawshootay, Waayo badan haybinaysay, Mar uun ishaadu way halacsanoo, Hoy lagu hadhsadiyo, Qoys waad wada hogaamin, Weynaa wax hagaajee, Baryadiisa yay kula hawlyaraan. Insha Allah. W/Q:  MohamedShokri Osma...

🌱Dhowr Shay oo ay Noloshu i bartay.

Image
  Dhowr Shay oo ay Noloshu i bartay. 🔶 Farxadaadu yaysan noqon mid qof kale uu gacanta ku hayo waayo waxaabo suurtowda inuu kaala tago dibna aad u farxi weydo. 🔸 Faraxsanow goor kasta noloshuba yaysan noqon sidii aad jeclayd. 🔶 Iska ilow oo cafi qof kasta oo aad wax ka tirsanayso waayo cafiska waxa uu ku dareensiinayaa nafis, fudayd iyo kal furnaan bilaa cuqdad ah. 🔶 Caruurta Yar-Yar u qosol oo u dhoola cadeey maxaa yeelay waxaa abuurmaya jawi farxadeed oo aad wax badan oo waxgal ah ugu sheegi kartid dhalaanka si kasta oo ay da'doodu tahay. 🔶 ka dhig caqabad walba oo kula soo darista cashar aad ku baranayso sida looga samato baxo dhibaatooyinka iyo salaankii fursadaha Guusha. 🔶 Qof weliba maqaamkiisa ku xushmeey si dadka oo dhan ay kuu karaameeyaan. 🔶 Hadii Talo lagu weydiisto, taladii ugu fiicnayd kula tali qofkaas waayo waxaa jirta sabab uu dadka kaaga xushay iyo wax uu kugu tabayo. 🔶 Go'aanada aad qaadanayso u madaxbanaanow mararka qaarna la tasho dadka sida...

Bal Maxaan Qoonsaday?

Image
Bal Maxaan Qoonsaday? Afeef: waan ka xumahay in qormadaydu kusoo aado xili uu dalku ku jiro marxalad kacsanaan ah balse Allah waxaan ka baryayaa inuu dalkeena noo dajiyo dibna aanan ugu laabanin meeshii aan ka nimi. Horudhac: waxaan kamid ahaa dadkii soomaaliyeed ee aad iyo aad ugu dhuun-duleelay doorashadii 8, February 2018 ka dhacday magaalada Muqdishu, waxaan aad ugu hamuun iyo hamiba qabay in dalku madaxweyne daacad ah helo oo ka saari kara dhibka ummada haystay waayo badan. waxaan kala sinaa dad badan inaan si gaar ah utaageerayey Musharax Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo aan is lahaa waa uu ugu daacadsanaa inta la sharaxnayd. hal sabab ayaa jirtay oo aan aniga ku taageerayey MD Farmaajo taas oo ay ahayd hawshii uu qabtay waqtigii uu ahaa Ra'iisul-wasaarihii Dawladii Sheikh Shariif isagoo muujiyey hawlkarnimo iyo shaqo adkayd weliba waxa aad loogu amaanay dadaalkii uu geliyey ciidamada soomaaliyeed weliba inay helaan mushaarkooda si joogto. h...

Maanso: Hooyo

Image
Maanso: Hooyo Maansadan waxaan utiriyey hooyadey Faadumo Mohamed Jaamac oo ah hooyada aduunka ugu qaalisan sidoo kale hooyo walba oo dunida joogta; waxayna udhacaysaa sidatan; Hooyo lama huraaney,  Hanka noloshaydiyo, Hiigsiga dhabta ah,  Himilada aduunkiyo, Horumarkan yaal,  Hooyo igu hagtaay.. Hanaanka toosaniyo,  Hilinka haboon, Hooyo igu hagaajisaay..  Hoobaan naxariisiyo, Heersare kalgacaloo,  Cidi laga helayn, Hirashada wanaagsanee,  Laga wada hirqadoo, Dadku wada hantiyeyn,  Hooyo igu hogaamisaay.. Kol hadaad ii hiilisoo,  Hiiftiyo dhibkiyo, Hanfiyo kulaylka,  Habaaska ihaystana, Iga haleesho,  Abaalkaaga hooyoy, Marna kuuma hibayn karo,  Kol hadaan hoygii Illaahiyo, Xajkana kuula haado,  Oo aan dhabarkayga ku hadiyeeyoo, Naftayduba kuu huro,  Abaalkaaga hooyoy, Sinaba kuuguma haabi karo,  All-Haadiyo Allahayow, Adigaa hodanee,...

Maanso: Tahriib iyo Tiiraanyo

Image
Maanso: Tahriib iyo Tiiraanyo Dhalintan tartamaysoo,  Tahriib iyo tiiraanyo, Tabaabul dhoofiyo,  Ku tamanayso dibad, Mar uun tiigso waagaa,  Tixdaan tirinaayiyo, Tilmaantaan bixinaayo,  Taam uqaado walaal, Waa talo dhaxal gale,  Dhabtii turxaan baxsane, 😢 Inagoo toban iyo,  Teedhi kor udhaafnay, Kolkaan tahriibiyo,  Ka talownay dalkeenii, Weli tiigsan goobtan rabnay,  Duufaan tagooganiyo Tiic wixii na helay,  Inagoo tacbaaniyo, Tabar aanan lahayn ,  Tooyasho dabadeed, Xabsi lanagu tuur,  cid noo timaadiyo, cid na taleefanaysa,  aanan hayn tabantaabo, waxaan ku tawelnay iyo,  talaabadaan qaadnay baa, nala turanturootoo,  naga tuurtay buurtiiye, 😢 tusmada aduun iyo,  waxa tuban shido, ana waxa itaabtay ,  waa waxaan la tusaalayn, Ma inaan tuugsadoo,  tago shaarica , anigoo turuqaygii iyo,  Tab waxaan aqaan, ka da...

Maanso: Beeraha Hala Ogaado.

Image
Maanso: Beeraha Hala Ogaado. Maasno: Beeraha ________________________________________________________________ Bulshooy bariidiyo, Salaan boqranoo, Lagu barxay kal-gacaloo, Boholyow baaxadliyo, Idiin qabta busayl baan, Bartamihii xamar iyo, Xeebihii banaadir, Idiinka sidaa badweyntiye, Badqabkiinu waa siee? ·           Kolkaan ka bayro salaantoo, Una baqoolo fariintiyo, Baaqaygu waxa uu yahay, Bulshoyahay baraarugoo, Dhulkaa balaaranee, Boqorkay idinku beeray, Macdanta ka buuxdiyo, Beerihiyo xoolaha, Nimcadaa is baal taal, Ukacoo bareera’oo, Bacramiya carada’oo, Tabcada bariiskiyo, Tamaandhada lawskiyo, Wabiyada burqanayana, Intaad isu bahaysataan, Ku waraabsha beerahoo, Ka baxa bushigiyo, Basanbaaskiyo gaajada. ·           Wadamadaa bulaalay, Ee baalka dayaxiyo, Cir-jiidhka beegsanayee, Samada ubaqoolay, Waxay baraarihiyo, Ku ga...

Maansada: Tacliin

Image
Maanso: Tacliin Erayadan waxaan kaga hadlayaa tacliinta qiimaheda iyo hanaankan waxbarasho ee lasoo gaabiyey ama ay dusgiyo badan ay sanadihii badnaa ee duruusta ka dhigeen waqti kooban oo aan wax laga faa'iidayn; waxayna udhacaysaa sidatan; Tacllinta lagu tanaadee, Lagu taabo qaadee, Tusaalaha hagaagsaniyo, Tubta toosan lagu gaaro, Horumarka la tiigsadiyo, Tijaarada ganacsiga, Waxa lagaga tusmaystaa, Looga tarmo waa, Hanaan tayeysaniyo, Manhaj toosanoo, Ardadu ku taammaan, Tawstiyo xanuunkiyo, Taahiyo dhibaatada, Ka tira jahligoo, Toggii cilmigee, Aqoontu tiilayd, Tilmaantii baraarihiyo, Taajkii nolosha tusa.. Sadaradaas tiriyey, Tacliintana utiiriyey, Tu kalena waxay tahay, Aqoontu iskama timaadee, Heerar tixan iyo, Toobin sugan bay martaa, _____________________________ Tababarki dugsi hoosiyo, Tabaabushihii cilmiga, Tallaabadii uhoreysiyo, Tiirkii koowaad bay martaa,  ______________________________ Laga...