Maanso: Beeraha Hala Ogaado.
Maanso: Beeraha Hala Ogaado.
Maasno: Beeraha
________________________________________________________________
Bulshooy bariidiyo,
Salaan
boqranoo,
Lagu barxay
kal-gacaloo,
Boholyow baaxadliyo,
Idiin qabta
busayl baan,
Bartamihii xamar
iyo,
Xeebihii banaadir,
Idiinka sidaa
badweyntiye,
Badqabkiinu waa
siee?
·
Kolkaan ka
bayro salaantoo,
Una baqoolo
fariintiyo,
Baaqaygu waxa
uu yahay,
Bulshoyahay
baraarugoo,
Dhulkaa balaaranee,
Boqorkay idinku
beeray,
Macdanta ka
buuxdiyo,
Beerihiyo
xoolaha,
Nimcadaa is
baal taal,
Ukacoo bareera’oo,
Bacramiya carada’oo,
Tabcada bariiskiyo,
Tamaandhada
lawskiyo,
Wabiyada burqanayana,
Intaad isu
bahaysataan,
Ku waraabsha
beerahoo,
Ka baxa
bushigiyo,
Basanbaaskiyo gaajada.
·
Wadamadaa bulaalay,
Ee baalka
dayaxiyo,
Cir-jiidhka
beegsanayee,
Samada ubaqoolay,
Waxay baraarihiyo,
Ku gaareen
barwaaqada,
Waa dhulka
beerashadiisiyo,
Buurahay fasheene,
Bulshoyahay
balama’oo ,
Wax-soosaarka
badiyoo,
Beerahiyo badaha,
Ka shaqeeya bay’ada.
·
Erayada:
MohamedShokri
Osman
Comments
Post a Comment