Maansada: Tacliin

Maanso: Tacliin

Erayadan waxaan kaga hadlayaa tacliinta qiimaheda iyo hanaankan waxbarasho ee lasoo gaabiyey ama ay dusgiyo badan ay sanadihii badnaa ee duruusta ka dhigeen waqti kooban oo aan wax laga faa'iidayn;

waxayna udhacaysaa sidatan;

Tacllinta lagu tanaadee,
Lagu taabo qaadee,
Tusaalaha hagaagsaniyo,
Tubta toosan lagu gaaro,
Horumarka la tiigsadiyo,
Tijaarada ganacsiga,
Waxa lagaga tusmaystaa,
Looga tarmo waa,
Hanaan tayeysaniyo,
Manhaj toosanoo,
Ardadu ku taammaan,
Tawstiyo xanuunkiyo,
Taahiyo dhibaatada,
Ka tira jahligoo,
Toggii cilmigee,
Aqoontu tiilayd,
Tilmaantii baraarihiyo,
Taajkii nolosha tusa..
Sadaradaas tiriyey,
Tacliintana utiiriyey,
Tu kalena waxay tahay,
Aqoontu iskama timaadee,
Heerar tixan iyo,
Toobin sugan bay martaa,
_____________________________

Tababarki dugsi hoosiyo,
Tabaabushihii cilmiga,
Tallaabadii uhoreysiyo,
Tiirkii koowaad bay martaa,
 ______________________________

Lagama tallaabsadaan dugsi dhexiyo,
Tuskii daruusta,
Tijaabadii sayniskiyo,
Taariikh ku laylintii,
Tabantaabadii macalinkiyio,
Tacabkii talmiidkay martaa.
_______________________________

Dugsi sare tusmadiisiyo,
Tacliin sugan tabteediyo,
Talada nolol goynteediyo,
Taxtaxaashka dunidiyo,
Tigaadiyo barwaaqada,
Halkii lagu toli jiriyo,
Arday taabtay bay martaa,
_________________________________

Tixdaan tiriyee,
Tacliinta ku tidcay,
Waxaan kaga tallamayaa garo,
Tacadi weeye taaganoo,
Tuhun weeye igu beeran,
Tallan baan qabaayoo,
Wuxuun baan tabanayaa,
Tin iyo cirib tacliintiyo,
Habkii la tooyan jiray,
Kuwa tuurayee,
Taarkeedi jarayee,
Tirtirayee koobaya,
Aan tab kale taraynoo,
Tudhaalaba laga sugayn,
Taakuladii bulshadiyo,
Togashada barwaaqada,
Tooda ka eegtow,
Kharashka uun tirinayee,
Iska tamashlaynaya,
Taariikh xun weeyaad,
Nagu tiihaysaane,
Tawaab ka cabsadoo,
Ka jooga tusehaas,
Aanu tolkeen Somali,
Taaga badbaadadiyo,
Ku toosino baraareee. 
_______________________________

Maansadan waxaa tiriyey;
Mohamed Osman Abdulkadir
kalana xiriir;
+252616002014
mohamedshukri2@gmail.com
Mogadishu-Somalia

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.