Maanso: Tahriib iyo Tiiraanyo
Maanso: Tahriib iyo Tiiraanyo
Dhalintan tartamaysoo,
Tahriib iyo tiiraanyo,
Tabaabul dhoofiyo,
Ku tamanayso dibad,
Mar uun tiigso waagaa,
Tixdaan tirinaayiyo,
Tilmaantaan bixinaayo,
Taam uqaado walaal,
Waa talo dhaxal gale,
Dhabtii turxaan baxsane,
😢
Inagoo toban iyo,
Teedhi kor udhaafnay,
Kolkaan tahriibiyo,
Ka talownay dalkeenii,
Weli tiigsan goobtan rabnay,
Duufaan tagooganiyo
Tiic wixii na helay,
Inagoo tacbaaniyo,
Tabar aanan lahayn ,
Tooyasho dabadeed,
Xabsi lanagu tuur,
cid noo timaadiyo,
cid na taleefanaysa,
aanan hayn tabantaabo,
waxaan ku tawelnay iyo,
talaabadaan qaadnay baa,
nala turanturootoo,
naga tuurtay buurtiiye,
😢
tusmada aduun iyo,
waxa tuban shido,
ana waxa itaabtay ,
waa waxaan la tusaalayn,
Ma inaan tuugsadoo,
tago shaarica ,
anigoo turuqaygii iyo,
Tab waxaan aqaan,
ka dayeyn tayo,
Tahriib waa taws iyo xanuun iyo,
Taah aan dhamaanayne,
Waa tacsi joogtiyo,
Taar calool xumo’e,
Tola’ayey badanaa ,
Tamootida tahriibe,
Waxba yuu ila tagine,
Waxaan ku taaleeyey,
😢
Ninkii tiisa uturayoo,
Dalkaagaa tanaadiyo,
Tacab kuugu filane,
Intaad tahriibiyo,
Tahluukaynlayd naftaa,
Amaad taaf dambi,
Ku tuuri lahayd,
Dalkaagaa tanaadiyo,
Tacab kuugu filane,
Xal toosaniyo,
Nabad lagu taamo,
Gacmaha kor utaagoo,
Ka tuug qaadirkaa,
Isagaa tawaaboo ,
Tabaruc kuugu filane,
Kuna taakulayne!!!!
Erayada waxaa leh;
MohamedShokri Osman
Comments
Post a Comment