Bal Maxaan Qoonsaday?
Bal Maxaan Qoonsaday?
Afeef:
waan ka xumahay in qormadaydu kusoo aado xili uu dalku ku jiro marxalad kacsanaan ah balse Allah waxaan ka baryayaa inuu dalkeena noo dajiyo dibna aanan ugu laabanin meeshii aan ka nimi.
Horudhac:
waxaan kamid ahaa dadkii soomaaliyeed ee aad iyo aad ugu dhuun-duleelay doorashadii 8, February 2018 ka dhacday magaalada Muqdishu, waxaan aad ugu hamuun iyo hamiba qabay in dalku madaxweyne daacad ah helo oo ka saari kara dhibka ummada haystay waayo badan.
waxaan kala sinaa dad badan inaan si gaar ah utaageerayey Musharax Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo aan is lahaa waa uu ugu daacadsanaa inta la sharaxnayd.
hal sabab ayaa jirtay oo aan aniga ku taageerayey MD Farmaajo taas oo ay ahayd hawshii uu qabtay waqtigii uu ahaa Ra'iisul-wasaarihii Dawladii Sheikh Shariif isagoo muujiyey hawlkarnimo iyo shaqo adkayd weliba waxa aad loogu amaanay dadaalkii uu geliyey ciidamada soomaaliyeed weliba inay helaan mushaarkooda si joogto.
halkan dheer iyo loolan adag kadib, Waxaa doorashadii ku guulaystay Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, isagoo aan la filayna soo baxay kadib waxaa inta badan deegaanada soomaalida ka dhacay banaanbaxyo si aad loogu taageerayey guusha madaxweyne Farmaajo ilaa ay soo baxday hal-hayskii ahaa "Ar Farmaajo ii Geeya" oo mid kamid ah muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Jowhar uu ku hadaaqayey xili uu halkaas banaanbax ka socday.
aniga shaqsiyan dareenkayga aad ayuu sareeyey oo aad ayaan ugu farxay in Mudane Farmaajo uu madaxweyne noo noqdo sidoo kale aniga waxaan kamid ahaa dadkii salaada utukaday in Illaahay uu madaxweyne nooga dhigo mudane Farmaajo, hal ujeedo kaliya ayaa ii muuqatay oo ahayd in Farmaajo is badel la imaan doono anigoo qiyaasayey xaalka siyaasada soomaaliya iyo xaajada sida u cakirnayd.
doorashadii kadib Madaxweynaha Ra'iisul wasaare ayuu soo magacaabay oo isna aanan wax badan ka aqoon balse hawlkarnimo iyo nin soomaalinimada ku weyntahay la iigu sheegay,
sida caadiga ahna xukuumad ayaa lasoo dhisay, hawshii dawladnimo waa ay bilaabatay.
weli xiligaas waxaan kamid ahaa dadkii aadka ula dhacsanaa hanaanka ay dawladu waagaas wax ku waday balse maxaa i badalay?
arimahan hoos ku xusan ka akhriso waxyaabaha aanan la dhicin ee i badalay keenayna inaad taageeradaydii dib uga laabto;
1-hadal-is-burin iyo balan ka baxyo.
madaxweyne Farmaajo qudbadiisii doorasho waxaa kamid ahaa dhaliilida wadooyinka xiran xiligii Xasan Sheikh isagoo dadka ugu laanqaboobin jiray inay caburin tahay balse waxaan aragnay wado xiris tii ugu xumayd oo ilaa dariiqyadii yar-yaraa ee magaalada muqdishu la xiray, sidoo kale qaraxii zoobe waxaa la dhahaa zaxmada badan ee wadada zoobe ka jirtay waxaa usabab ahaa dariiqyadii xirnaa ee magaalada waana sababta keentay in baabuurta oo dhan ay hal wado isticmaalaan.
halkan ku dhufo si aad udaawato Madaxweynaha oo ka hadlaayo wadooyinka xiran;
madaxweynaha waxa uu balanqaaday arimo badan intaan la dooran kahor oo ay kamid ahaayeen
in dhismayaasha ay qarxiyaan alshabaab ay dowladu dib udhisayso iyo in dadka ay dilaan Al-shabaab mag dhaw laga bixin doono sidoo kale madaxweynaha qudbadiisii doorashada waxa uu balanqaaday inuu yarayn doono safarada dibada ah kuna dhalaalilay dawladii ka horeysay inay safaro iska galan kuna tilmaamay dhaqan xun oo waqtiga iyo hantida qaranka lagu lumiyo balse madaxweynaha doorashadiisii 4 bil kadib 10 safar ayuu galay kuna bixiyey dalalka kala ah;
- Saudi Arabia
- Kenya
- UAE
- Jordan
- Turkey
- Ethiopia
- UK
- Saudi Arabia ( Mar kale)
- Djibouti
- Qatar
si aad udaawato hadalkii madaxweynaha ee uu safarada badan kaga hadlayey dhagayso muuqaalkan marka uu marayo 7:31 seken ilaa laga gaaro 7:57 https://www.youtube.com/watch?v=lCZqldvWJbA
2- jazaarnimo, abaal sheegasho iyo qab-weyni aan waxba ka jirin
dawladan waxyaabaha aan fiicnayn oo aan ku qoonsaday waxaa kamid ah inay aad isula weynyihiin weliba ra'iisulwasaaraha oo aad ba moodo in qofaan isaga ahayn uusan waxba qaban karin, waxaad arkaysaa ra'iisulwasaaraha oo leh "waa markii uhoraysay 28-sano kadib dawladan uu hogaamiyo madaxweyne farmaajo aniga aan ra'iisul wasaaraha ka ahay ayaa waxaas qabatay" labo dhinacba waan ka fiiriyey hadalkan.
waa marka koowaade dawladan waxaa ka muuqata inay hilmaameen oo ay xaqireen wixii lasoo qabtay tan iyo markii lasoo unkay dawladnimada soomaaliyeed oo aan ogayd wixii laga soo maray in ummadu hesho dawlad soomaaliyeed.
tan iyo dawladii Madaxweyne Cabdiqasim ilaa maantay hanaanka dawladeed mar ba meel ayuu soo marayey waxaana mudan in loo mahadceliyo hogaamiyayaashii marxaladahaas kusoo shaqeeyey balse maantay waxaad moodaa in xalay dhalay laga dhigayo dawladnimada aan haysano, sidoo kale shacabka soomaaliyeed ma joogaan waqti loogu abaal sheegto waxa loo qabto oo waxay joogaan xaalad ay haboontahay xitaa hadii wax loo qabtay in la dhaho wixii aad rabtaan maanan qabanin.
dawlada haatan jirta waxaad arkaysaa inay aad isula qabweyntahay oo markaad si fiican ufiiriso hadana wax ay iskula qabweynaataba aysan jirin.
3- nin jeclaysi iyo hufnaan aanan jirin.
dawladan waxay ku celcelisaa inay ummada soomaaliyeed si hufan ay ugu shaqayso lana xisaabtamayso cid kasta oo aan hawshii loo diray aanan qabanin balse siday sheegayso wax uma jiraa,
waxaa bilo kahor xilka laga qaaday wasiirkii waxbarashada iyadoo lagu eedaynayo inuu hadal ardada iyo jaamicadaha dalka ku haboonayn uu sheegay balse haday taasi isla xisaabtan tahay maxay sababta loola xisaabtami la'yahay wasiirka amniga ee dawlada waayo tan iyo markii lamagacaabay dalka waxaa ka dhacay qaraxyo waaweyn, dad badana waa lagu dilay sidoo kale wasiirka arimaha dhalinyarada maalin cad ayey hadal guulwadayn ah ku tiri maalinta calanka lama xusi jirin dawladan kahor marka hadii shaqsi ku waayey hadal uu yiri darteed maxay tahay sababta shaqsiyaadkan iyo kuwo badan ay weli usii joogaan oo aan lala xisaabtamayn waxay doonaana ay iskaga hadaaqi karaan halkaasi waxaa kaaga cad in cid kasta oo dawlad udaacad ah inaanan lala xisaabtamayn.
sidoo kale dawladan si cad ayey xilka gudoomiyaha baarlamaanka ee maantay jira xilka ugu dhiibatay iyadoo maalin cad la lahaa dawlada cid iyada taageersan ayey booskaas geyn doontaa kadib iscasilaadii jawaari, gudoomiye mursal wasiirka gaashaandhiga ayuu ahaa kadib waa uu is casilay kadibna xilka si fudud ayaa loogu doortay sidaas si la ek doorashada koonfur galbeed dawladan musharax gaar ah ayey taageeraysaa oo la yiraahdo Abdirashid Hassan Mohamed - Lafta gareen kaas oo ahaa wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.
taas badalkeed dawlada waa awooda inay raadiso qof xilkaas mudan ummadaas halkaas ku dhaqana hogaamin kara inay udoorto amaba taageerto balse waxaad moodaa inay xil udhiibanayso qof ay is leedahay idin kama horimaanayo.
intaas iyo in kale oo badan ayaa keentay inaan dib uga laabto taageeristeedii dawlada haatan jirta balse waxaa iga talo ah in waqti fiican ay weli dawladu haysato waxna badali karto ilaa xad, sidoo kale marnaba ma taageerayo in dalku dib ugu laabto waayihii aan kasoo taagnay.
F.G Qormadaydan waa fikirkayga gaarka ah waxayna ka madaxbanaan tahay
- caadifad
- nacayb
- dawlad-diidnimo.
Dhammaad.
W/Q:
MohamedShokri Osman
Mogadishu-Somalia
10/12/2018
Comments
Post a Comment