🌱Dhowr Shay oo ay Noloshu i bartay.

 Dhowr Shay oo ay Noloshu i bartay.


🔶Farxadaadu yaysan noqon mid qof kale uu gacanta ku hayo waayo waxaabo suurtowda inuu kaala tago dibna aad u farxi weydo.
🔸Faraxsanow goor kasta noloshuba yaysan noqon sidii aad jeclayd.

🔶Iska ilow oo cafi qof kasta oo aad wax ka tirsanayso waayo cafiska waxa uu ku dareensiinayaa nafis, fudayd iyo kal furnaan bilaa cuqdad ah.

🔶Caruurta Yar-Yar u qosol oo u dhoola cadeey maxaa yeelay waxaa abuurmaya jawi farxadeed oo aad wax badan oo waxgal ah ugu sheegi kartid dhalaanka si kasta oo ay da'doodu tahay.

🔶ka dhig caqabad walba oo kula soo darista cashar aad ku baranayso sida looga samato baxo dhibaatooyinka iyo salaankii fursadaha Guusha.

🔶Qof weliba maqaamkiisa ku xushmeey si dadka oo dhan ay kuu karaameeyaan.

🔶Hadii Talo lagu weydiisto, taladii ugu fiicnayd kula tali qofkaas waayo waxaa jirta sabab uu dadka kaaga xushay iyo wax uu kugu tabayo.

🔶Go'aanada aad qaadanayso u madaxbanaanow mararka qaarna la tasho dadka sida go'aanada ay kugu adkaato qaadashadooda.

🔶Ha dag-dagin la arkee talaabo aad dag-dag ku qaaday inay wax badan kugu seegaan.

🔶Unaxariiso dadka oo dhan mid yar iyo mid weynba.

Wabilaahi Towfiiq.

W/Q: MohamedShokri Osman

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.