Maanso: Ubad.
Maanso: Ubad
Erayadan sidan ayey udhacayaa:
Ubadka iyo Dhalaanka,
Arsaaqda Eebbe weeyoo,
Uumiyaha la siiyee,
iLqabowsi gaar ahiyo,
Aduun Nimcadiisiyo,
Aflaxaada Qosykiyo,
Aas-aaska noloshiyo,
Abshir weeyee Ogaada.
👶
Marna waa Amaaniyo,
Mas'uuliyada Adagoo,
Rabi idinku Eegiye,
Sidaad ababintoodiyo,
Aayahooda ka yeeli,
Marna waa Amaaniyo,
Mas'uuliyada Adagoo,
Rabi idinku Eegiye,
Sidaad ababintoodiyo,
Aayahooda ka yeeli,
👶
Kol hadaad Asluubiyo,
Akhlaaqdooda Toosisoo,
Asarkii Islaamkiyo,
Diinteena Asalka ah,
Oogida Salaadiyo,
Sadaqada Ajarka leh,
oo aad Aqriskiyo qoraalka,
Aqoontooda abaabusho,
inay Intifaac rasmiyo,
ku adeeci doonaan,
waa arin la hubo'e,
Ubadka Aayahooda,
Abid Agaasima Aadanow.
Kol hadaad Asluubiyo,
Akhlaaqdooda Toosisoo,
Asarkii Islaamkiyo,
Diinteena Asalka ah,
Oogida Salaadiyo,
Sadaqada Ajarka leh,
oo aad Aqriskiyo qoraalka,
Aqoontooda abaabusho,
inay Intifaac rasmiyo,
ku adeeci doonaan,
waa arin la hubo'e,
Ubadka Aayahooda,
Abid Agaasima Aadanow.
W/Q: MohamedShokri Osman
Comments
Post a Comment