Maanso: Talo-isasiin nafeed

Maanso: Talo-isasiin nafeed


"Waqtiyada qaar waxaa dhacda inaad nafsadaada la hadasho si waxa aad waqtigaas dareemayso aad uga nafisto.
hadaba adigoo waxyaabaha qaar saluugsan hadaad isla hadli lahayd maxaad ku oran lahayd naftaada.
waxaan tiriyey maasadan waqti ay wax badan iga qaldanaayeen balse markii aan tiriyey aan aad uxasilay.

erayadana sidatan ayey udhacayaan;

Naftu samir kaasho bay ku tiri,
Karti dulqaado bay ku tiri,
abuur kalsooni bay ku tiri,
kifaaxa raadi bay ku tiri,
kasbo khibraday ku tiri,
kordhi aqoontay ku tiri,
kalsan noolow bay ku tiri,
kasmo dadaal bay ku tiri,
kurbada jooji bay ku tiri,
kadabjar walaacay ku tiri,
kaalmayso wanaagay ku tiri,
ukac cibaadaday ku tiri,
kalah salaaday ku tiri,
kumi sadaqo baxsay ku tiri,
kaaftoon intaad haysatay ku tiri,
ukaydso beri bay ku tiri,
kaasho dhaqansan bay ku tiri,
kaalin waxtara noqoy ku tiri,
koboc bulsho noqoy ku tiri,
kan xumida keebka kugu rogana,
kaalay cafis dheh bay ku tiri,
kow unoqo asaagaa bay ku tiri,
dunida korkeeda nabad bay ku tiri,
Jano la kulan Aakhiray ku tiri.
amin amin

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.