maanso kooban: Jaceylkii hal-haleelka

Maanso kooban: Jaceylkii hal-haleelka


Qiso kamid ah qisooyinka qalbiga xiriirka la leh (matters of the heart ) oo uu iigaga qiseeyey mid kamid ah asxaabtayda kadibna aan ubixiyey (Jaceylkii Hal-haleelka) ayey ila ahaan wayday inaan afka ka xirto.

Deetana halkan waxaan idin kula wadaagayaa erayo kooban oo aan qisadaas ku cabiray.
#Jaceylkii Hal-haleelka 

Erayadiina waa kuwan ee ka bogasho wacan.

Muxuu hanad haldoor ahi,
Waayuhu ka hiilshay,
Maxay habeeno badan hawshii,
Hareer martay abaartii,
Maxaa Hodanoo haa tiri,
Hawraarsanyahay hadafkeedu,
Hantiyey laguu heli waayey,

Rajaa la heybsadaaye,
Hoodadiyo nasiibka,
Mar uun way ku hareero joogi,
Hamigaad shalay lahaydiyo,
Ubaxii haraadka qabay,
Mar uun mahiigaan waa uhoori,

Haboontaad ku hawshootay,
Waayo badan haybinaysay,
Mar uun ishaadu way halacsanoo,
Hoy lagu hadhsadiyo,
Qoys waad wada hogaamin,
Weynaa wax hagaajee,
Baryadiisa yay kula hawlyaraan.
Insha Allah.

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.