Maanso: Dacwo
Maanso: Dacwo.
Erayada maansadan sidan ayey udhacayaan;
Nimanyahow Dacwaan ahiyo,
Nin dood weyn qaba’e,
Dibnahaygii daboolnaa,
Maantay waan daah rogiye
Arimo door ahoon ku daalay baan,
Idin wada dareensiine.
Damiin dhoohan mooyee,
Dabuubtaydu way idin deeqiye,
Dadkoo idil baa ku diirsan iyo,
Wixii duul islaam ahe,
Dhalintuna ha daawato oo,
Maanka haku daabacaane,
Da’yartii dalkaan arkaa,
Inay dulli dan moodeene,
Akhlaaqdii dahabka ahayd,
Waa kuwaa kasii didaya’e,
Dhaqan gaalo oo daciifa bay
Ku dayanayaane,
Raggii dharkoodii baa lagu diray,
Oo dagaal bay ku jiraane,
Surwaalkii daafaha baridiyo,
Bawdyahuu kasii dagtaye,
Oo cawradii daboolnayd,
Waa kuwaa dibada soo dhigaye,
Balse waxay iigu darnayd,
Kolkay suuqyadii udareereene,
Oo bacihii daabusheen
Sidii dooni ganacsiya’e,
Hablihiina kama duwana,
Waaba ay kasii daranyihiine,
Iyaguna jirkoodii baa lagu diray,
oo way is wada diirayaane,
Damiirkii baa ka dhintoo,
La waa mid lala dadabgalo'e,
Oo doqon baa madow bay,
Dood kaaga dhigayaane,
Balse yaan dadka isku wada darine,
Duul illaahay doortay baa jira
Oo dacaadnimo iyo diin,
Dusha loo suroo loogu daw galaye,
Oo markay laabtaadu damacdo,
Aysan abid diidi hayne,
Waxba yuusan ila durkine,
Waxaan kusoo dumay hadalka,
Waa duni aakhiro samaane,
Rabi dambi-dhaaf ka dalbo’o,
Dawgii Rasuulkiyo (SCW),
Diinta daalacda da’yarey.
Nin dood weyn qaba’e,
Dibnahaygii daboolnaa,
Maantay waan daah rogiye
Arimo door ahoon ku daalay baan,
Idin wada dareensiine.
Damiin dhoohan mooyee,
Dabuubtaydu way idin deeqiye,
Dadkoo idil baa ku diirsan iyo,
Wixii duul islaam ahe,
Dhalintuna ha daawato oo,
Maanka haku daabacaane,
Da’yartii dalkaan arkaa,
Inay dulli dan moodeene,
Akhlaaqdii dahabka ahayd,
Waa kuwaa kasii didaya’e,
Dhaqan gaalo oo daciifa bay
Ku dayanayaane,
Raggii dharkoodii baa lagu diray,
Oo dagaal bay ku jiraane,
Surwaalkii daafaha baridiyo,
Bawdyahuu kasii dagtaye,
Oo cawradii daboolnayd,
Waa kuwaa dibada soo dhigaye,
Balse waxay iigu darnayd,
Kolkay suuqyadii udareereene,
Oo bacihii daabusheen
Sidii dooni ganacsiya’e,
Hablihiina kama duwana,
Waaba ay kasii daranyihiine,
Iyaguna jirkoodii baa lagu diray,
oo way is wada diirayaane,
Damiirkii baa ka dhintoo,
La waa mid lala dadabgalo'e,
Oo doqon baa madow bay,
Dood kaaga dhigayaane,
Balse yaan dadka isku wada darine,
Duul illaahay doortay baa jira
Oo dacaadnimo iyo diin,
Dusha loo suroo loogu daw galaye,
Oo markay laabtaadu damacdo,
Aysan abid diidi hayne,
Waxba yuusan ila durkine,
Waxaan kusoo dumay hadalka,
Waa duni aakhiro samaane,
Rabi dambi-dhaaf ka dalbo’o,
Dawgii Rasuulkiyo (SCW),
Diinta daalacda da’yarey.
W/Q: MohamedShokri Osman
Comments
Post a Comment