Maanso: Hooyo

Maanso: Hooyo


Maansadan waxaan utiriyey hooyadey Faadumo Mohamed Jaamac oo ah hooyada aduunka ugu qaalisan sidoo kale hooyo walba oo dunida joogta;
waxayna udhacaysaa sidatan;

Hooyo lama huraaney, 
Hanka noloshaydiyo,
Hiigsiga dhabta ah, 
Himilada aduunkiyo,
Horumarkan yaal, 
Hooyo igu hagtaay..
Hanaanka toosaniyo, 
Hilinka haboon,
Hooyo igu hagaajisaay.. 
Hoobaan naxariisiyo,
Heersare kalgacaloo, 
Cidi laga helayn,
Hirashada wanaagsanee, 
Laga wada hirqadoo,
Dadku wada hantiyeyn, 
Hooyo igu hogaamisaay..
Kol hadaad ii hiilisoo, 
Hiiftiyo dhibkiyo,
Hanfiyo kulaylka, 
Habaaska ihaystana,
Iga haleesho, 
Abaalkaaga hooyoy,
Marna kuuma hibayn karo, 
Kol hadaan hoygii Illaahiyo,
Xajkana kuula haado, 
Oo aan dhabarkayga ku hadiyeeyoo,
Naftayduba kuu huro, 
Abaalkaaga hooyoy,
Sinaba kuuguma haabi karo, 
All-Haadiyo Allahayow,
Adigaa hodanee, 
Harooyinka janadaadiyo,
Webiyada ku hareersan, 
Nimcadaada ku hagooganiyo,
Naxariistaada huban, 
Allahayow hooyaday
Hantisiiyoo hoy uga dhig rabiyow.

Erayada waxaa iska leh;
Mohamedshokri Osman

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.