Maanso: Alepo
Maanso: Alepo
Maansadan waxaan alifay xili ay dalka syria ay dagaalo ba'an ka jireen, waxaana kusoo hadal-qabsaday wiil aan saaxiibo nahay oo Cabdifitah la dhaho.
Erayada maansada sidan ayey udhacayaan;
Ma Abtirin cabdow waayadan,
Ereygii maanso'e.
Alifkii ka tagayoo,
Geesmaray aaladiiye.
Balse waxaan aamusaba,
maantay waan afmaalayaaye,
Adkaysan waayoo hurdada,
waan asqaysnahaye,
Uurkaa idamqanaya,
Sidan aafaysnahaye,
Ehelkii suuriyiyo,
Aqrabadii Alepo (xalab) baa arkaa,
Oofaha la goynayee,
Xasuuqiyo ibtilaa ka socota,
Aleyl iyo maaline,
Unuunka la jarayaa,
Ubax caruurtii dheh,
Umal baa uwada suran,
Amal hooyooyinkii dheh,
Looma aabayeelin gedi,
Asal sunigii dheh,
Ilmaa Hooraysa,
Albaabadii Idlib dheh,
Asad shiiciyo,
Gaalo Arxan la'baa,
Adhaxda gooyey halyeeyadiiye,
Umadiina qax loo igmayoo,
dacalada aduun aadeene,
Idin mee dunidii islaamikiyo,
Ummadii Muxamadeey,
Idin mee isirkii carabtiyo,
Usradii khalijkaay,
Aadanaha kuwii udoodijiriyo,
idin mee aduunyadii kale'e,
Ana awood kale ma lihi,
Aan ereyga dhaafsanayne,
Hayeeshee uurkiyo qalbigaan,
Ablayda ka sidaa,
oo aan aag kaga jiraaye,
Illaahay baan beryaye,
Arligiinoo xasiliyo,
Kala irdhowgoo idin ka ba'a,
Dadkoo aaramiyo,
Dagaaladoo abyama,
Nabad iftiintiyo,
Alepo oo aflaxda.
Ereygii maanso'e.
Alifkii ka tagayoo,
Geesmaray aaladiiye.
Balse waxaan aamusaba,
maantay waan afmaalayaaye,
Adkaysan waayoo hurdada,
waan asqaysnahaye,
Uurkaa idamqanaya,
Sidan aafaysnahaye,
Ehelkii suuriyiyo,
Aqrabadii Alepo (xalab) baa arkaa,
Oofaha la goynayee,
Xasuuqiyo ibtilaa ka socota,
Aleyl iyo maaline,
Unuunka la jarayaa,
Ubax caruurtii dheh,
Umal baa uwada suran,
Amal hooyooyinkii dheh,
Looma aabayeelin gedi,
Asal sunigii dheh,
Ilmaa Hooraysa,
Albaabadii Idlib dheh,
Asad shiiciyo,
Gaalo Arxan la'baa,
Adhaxda gooyey halyeeyadiiye,
Umadiina qax loo igmayoo,
dacalada aduun aadeene,
Idin mee dunidii islaamikiyo,
Ummadii Muxamadeey,
Idin mee isirkii carabtiyo,
Usradii khalijkaay,
Aadanaha kuwii udoodijiriyo,
idin mee aduunyadii kale'e,
Ana awood kale ma lihi,
Aan ereyga dhaafsanayne,
Hayeeshee uurkiyo qalbigaan,
Ablayda ka sidaa,
oo aan aag kaga jiraaye,
Illaahay baan beryaye,
Arligiinoo xasiliyo,
Kala irdhowgoo idin ka ba'a,
Dadkoo aaramiyo,
Dagaaladoo abyama,
Nabad iftiintiyo,
Alepo oo aflaxda.
insha Allah
W/Q: MohamedShokri Osman
Comments
Post a Comment