Posts

Showing posts from April, 2020

Gooryaan Dhuleedka iyo sida uu u caawiyo carada wax lagu beerto

Image
Markii la eego hawlaha ay carada ka dhex qabtaan, gooryaan-dhuleedyada waxay leeyihiin faa’iidooyin fara badan oo ay kamid yihiin; _______________________________________________ 🔶 Fududaynta helitaanka nafaqada carada ku jirta. 🔶 Biyo-shuur wanaagsan. 🔶 Qaab dhismeedka carada oo fiicnaada taas oo keenaysa inay wax beerashadu ay fiicnaato. 🔶 Iyo waxsoosaar wanaagsan. _______________________________________________ 🔶 1. Helitaanka nafaqada oo sahlanaanta. Gooryaan-dhuleedyada waxay quutaan haraadiga Dhirta sida (Xidida dhintay, Caleemaha, cawska iyo nafaqo digeedka) iyo carada lafteeda. Habkooda dheef shiidka ayaa wuxuu burburinayaa cuntada adag si uu uga dhigo qaab ay isticmaali karaan. Haraadiga gooryaanada ayaa ka hodansan xaga nafaqada markii lala bar-bar dhigo carada hareerahooda mida taal. Nitrogen-ka ku jira haraadiga gooryaanadan ayaa ah mid ay si toos ah u isticmaali karto dhirta. Jirka Gooryaanadan ayaa si fudud ku bur-bura taas oo nitrogen badan dhulka ku deeqa....

🌱🏡Waa Maxay Permaculture?

Image
🌱 Permaculture-ku wuxuu isku xiraa dhulka, khayraadka, dadka iyo bay'ada iyada oo loo marayo hab isu-dhafan oo faa'iido leh – waxaana loo maaraynayaa habka qashin la’aanta ah ee nidaamyada xiran ee loo yaqaan "systems loop" oo lagu arko nidaamyada dabiiciga ah ee kala duwan. Permakulture-ka wuxuu darsaa hab aad u fiican kaas oo saamaxaya in xal waara loo helo miyiga iyo magaalada dhanka ka faa’idaysiga  khayraadka. ______________________________________________ 🌱 Waa hanaan wadareed kulminaya Beeraha, Qabsashada biyaha roobka, Biyaha caadiga ah, Tamarta, Kaynmaha, maaraynta Uskaga, Habka ka faa’idaysiga kaluunka, Dhirta iyo xayawaan badeedka, teknoolojiyada, Dhaqaalahaa iyo horumarinta bulshada. _______________________________________________ 🌱 Permakulture (ereyga, oo uu soo ikhtiraacay Bill Mollison 1978), waa isku darka beeraha joogtada ah iyo hab-dhaqanka joogtada ah ee bulshooyinka ). waa qaab aad u fiican oo ilaalinaya wax soo-saarka deegaan beereed...

Dulmarka waraabka Soomaaliya.

Image
Horumarinada waraabka beeraha ee Somalia waxa uu bilawday 1920-kii isaga oo la kowsaday hirgelintii mashruucii sokorta ee jowhar. 1920-kii iyadoo weli lagu jiro gacantii gumaystihii talyaaniga ee koonfurta Soomaaliya, dhowr meelood ayaa waxaa laga sameeyey waraabka xakamaha ah oo la maamulo iyo mid aad u baaxad weyn oo loogu talagalay inuu waraabiyo dalagyadii ganacsiga oo ay beeran jireen ganacsatadii talyaaniga ahayd ee dhulka haysatay. _______________________________________________ Dalagyadii ugu badnaa ee xiligaa waraabka loo isticmaali jirayna waxa kamid ahaa suufka iyo mooska(muuska). Intii u dhaxaysay sanadihii 1950 ilaa iyo 1960 daraasado hor leh oo ku saabsan waraabka ayaa la samaynaayey kuwaas oo loogu talagalay mashruucyo bilaw ahaa oo lagu ogaanayey carada iyo qaabka samaysanka dhulka soomaaliya. Waxaana la fuliyey dhowr mashruuc oo waraab ahaa kuwaas oo ay fuliyeen hay’adaha ((UNDP/FAO) sanadkii 1969. ______________________________________________ 1962-dii daraa...

Waa maxay Climate-smart Agriculture?

Image
Macluumaad Kooban. _______________________________________________ Climate-smart agriculture ama CSA waxaa lagu qeexi karaa hab dib loogu badalayo looguna qaabaynayo horumarka Beeraha iyadoo laga duulayo isbadalka Cimilada sidaas waxaa yiri Lipper iyo saaxiibadiis sanadii 2014. _______________________________________________ Qeexitaanka ugu fiican waxaa soo saartay Hay’ada Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO iyado ku qeexday Climate-smart agriculture ama CSA “Hanaan Beereed si waarta kor ugu qaadaya wax soo-saarka beeraha, kordhinaya u adkaysiga masaa’iibta ama la qabsiga isbadalka cimilada, yaraynaya qiiqa Gaasaska (Greenhouse Gases/GHS) iyo sare uqaadida sugnaanta amaanka cunada ee qaramada iyo ahdaafta horumarka ee caalamiga ah. ______________________________________________. Qeexitaankan FAO, hadafka ugu horeeya ee Climate-smart Agriculture-ka uu ku sheeagayo waa adkaynta amaanka cuntada iyo gaaritaanka ahdaafta horumarka ee caalamiga ah halka qeexitaankii Lipp...

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.

Image
Biyo-Xireenka Baardheere iyo Mashruuca kaabayaasha Biyaha waxa uu ka koobnaa Biyo-xireen ujeedo badan laga lahaa kaas oo cabirkiisu ahaa qiyaas ahaan 600m oo dhirir ah iyo 75m oo joog ah si uu umaamulo qul-qulka biyaha Wabiga Jubba,sidoo kale in laga dhaliyo quwada korontada ee biyaha laguna xakameeyo daadadka ama fatahaadaha. Mashruuca waxa sidoo kale ku jiray dhismaha hanaan waraab iyo mid biyo-shuur ah kuwaas qiyaas ahaan loogu talagalay in laga hirgeliyo dhul dhan 5000 ha. _______________________________________________ Biyo xireenka waxaa laga rabay in laga hirgeliyo meel wabiga Jubba 35km dhanka sare ka xigta ee Magaalada Baardheere. Wabiga Jubba waxa uu kasoo samaysmaa ama ka imaadaa sadex ilo biyood kale kuwaas oo kale ah; Dawa, Genale iyo Weyb. Weyb iyo Genale way isku darsamaan iyagoo samaynaya Wabiga Jubba meel wuqooyiga Doolow ah ee gudaha Ethiopia halka Dawa uu Wabiga Jubba ku darsamo markii wax yar lasoo dhaafo xuduudka Somalia iyo Ethiopia. Wabiga Jubba waxa uu ku...

Waa Maxay Regenerative Agriculture?

Image
Regenerative Agriculture waa hab la xiriira cuntada iyo beeraha kaas oo ka hortagaya isticmaalka sumaha, caro-nafaqeeyayaasha kiimikaysan, ujeedada laga leeyahayna ay tahay; 🌱 Dib usoo celiynta qaybta sare ee carada (Topsoil), 🌱 kor uqaadida kala duwanaanshaha noolaha (biodiversity), 🌱 horumarinta wareega Biyaha (water cycle), 🌱 kor uqaadida nidaam deegaanada (Ecosystem), 🌱 hagaajinta u adkaysiga isbadalka Cimilada (climate change), iyo 🌱 xoojinta caafimaadka, beeraha iyo daaqa. ______________________________________________ Regenerative Agriculture waxa uu ku salaysanyahay cilmibaaris qoto dheer leh taas oo kulminaysa beerashada aan kiimikada la isticmaalayn (Organic Farming), hanaan wadareedka kulminaya Beeraha, Qabsashada biyaha roobka, Biyaha caadiga ah, Tamarta, Kaynmaha, maaraynta Uskaga, ka faa’idaysiga kaluunka ee ( Permaculture), Deegaan beereedyada (agroecology), kayn-beereedka (agroforestry), cilmiga soo celinta deegaanka (restoration ecology) qaabka ka faa’iid...

Xog Kooban 🌱Qamadiga

Image
🌾 Qamadigu waxa uu kamid yahay bahda Grass Family. 🌾 95% Qamadiga caalamka la tabcado waa common wheat (Triticum aestivum). 🌾 Qamadiga dunida oo dhan ayaa laga tabcadaa marka laga reebo qaarada Antarctica. 🌾 Qamadiga waxaa lagu tabcadaa dunida oo dhan dhul gaaraya 220.4 million hectares (544.6 million acres). 🌾 Sanadkan 2018, wax soosaarka qamadiga ee dunida waxaa lagu qiyaasaa inuu gaarayo 728 million tonnes taas oo ka dhigaysa dalaga ugu wax soosaarka badan xaga badarka (cereals ) Galayda kadib. 🌾 Qamadiga waa dalaga ugu horeeya ee leh burutiinka khudrada (vegetable protein) ee cuntada aadanaha. 🌾 Qamadiga bixitaankiisa abuurid ilaa gurasho waxa uu ubaahanyahay qiyaas ahaan mudo udhaxaysa 110 ilaa 130 maalmood kaas oo ku xiran cimilada, carada ee deegaanka iyo nooca iniinta. 🌾 Qaar kamid ah noocyada qamadiga dherer ahaan waxa uu gaaraa 210 centimetre (7 dhudhun) balse inta badan qamadiga dhererkiisu waxa uu udhaxeeyaa 60 ilaa 120 centimetre. 🌾 Inta bada...

🌱Habka kala badalka Dalaga - Crop Rotation

Image
Kala badalka Dalaga (Crop Rotation) waa farsamo beereed dib ugu laabanaysa waqtigii hore ee boqortooyadii Roomaanka iyo Gariigii hore (Ancient Greece) . Inkasta oo beeralaydii waagaas aysan fahansanayn cilmiga ka dambeeya kala badalka dalaga, hadana waxay ogaayeen in hadii hal dalag hal goob sanado badan lagu tabco ay keenayso in caradu nafaqada lumiso, waxsoosaarkuna yaraado. ______________________________________________ Si loo xaliyo dhibaatadaas, beeralaydii Roomaanka waxay la yimaadeen farsamo cusub taas oo ay ku magacaabeen“food, feed, fallow.” Iyadoo farsamadan la deegsanayo, beeralayda dhulka waxay uqaybiyeen sadex qaybood. Hal qayb waxay ku abuureen dalag cuneed sida Qamadiga, Qaybta labaadna waxay ku beereen quudka xoolaha sida Sareenta halka qaybta sadexaad ay uga tageen meel banaan oo aysan wax ku abuurnayn. Xili beereed kasta, qaybaha waa ay isku badali jireen si ay kor ugu qaadaan wax-soosaarka waqti dheer. Markasta oo ay beeralaydu dabaqaan habkaan, tayada carada ...

Sidee boyoloji ahaan loo xakamayn karaa Malabisada ama Aphids?

Image
Malabiso – Aphids - waa mid kamid ah aafooyinka ugu halista iyo waxyeelada badan ee saameeya dalagyada la beerto. Malabisadu waa cayayaano yar-yar oo jir jilicsan leh kuwaas oo quuta noocyo badan oo dhir iyagoo saameeya xidida, caleemaha welibana gudbiya cudurada dhirta. Marka lala bar-bar dhigo aafooyinka kale sida thrips iyo diqsiga cad (whitefly), waxaa jira noocyo badan oo malabiso ah. ______________________________________________ Labada sababood ee ugu waaweyn ee keentay baahida xakamaynta boyoloji ee malabisada waxay kala yihiin; 🌱 Isticmaalka badan ee cayayaan dilaha (insecticide) oo keentay laqabsi iyo iskacaabin xoogan oo ay cayayaan-afeedku yeeshaan iyo 🌱 Isticmaalka batay ee xakamaynta boyoloji oo cayayaano badan loo adeegsado taas oo keentay in sidoo kale loo isticmaalo xakamaynta malabisada. Sidoo kale noocyo badan oo malabiso ah ee Beeraha field-ga waxay noqon karaan afooyin laga helo guribeereedyada (greenhouses) waayo cimilada iyo dhirta xaaladooda mark...