🌱🏡Waa Maxay Permaculture?
🌱Permaculture-ku wuxuu isku xiraa dhulka, khayraadka, dadka iyo bay'ada iyada oo loo marayo hab isu-dhafan oo faa'iido leh – waxaana loo maaraynayaa habka qashin la’aanta ah ee nidaamyada xiran ee loo yaqaan "systems loop" oo lagu arko nidaamyada dabiiciga ah ee kala duwan. Permakulture-ka wuxuu darsaa hab aad u fiican kaas oo saamaxaya in xal waara loo helo miyiga iyo magaalada dhanka ka faa’idaysiga khayraadka.
______________________________________________
______________________________________________
🌱Waa hanaan wadareed kulminaya Beeraha, Qabsashada biyaha roobka, Biyaha caadiga ah, Tamarta, Kaynmaha, maaraynta Uskaga, Habka ka faa’idaysiga kaluunka, Dhirta iyo xayawaan badeedka, teknoolojiyada, Dhaqaalahaa iyo horumarinta bulshada.
_______________________________________________
_______________________________________________
🌱Permakulture (ereyga, oo uu soo ikhtiraacay Bill Mollison 1978), waa isku darka beeraha joogtada ah iyo hab-dhaqanka joogtada ah ee bulshooyinka ). waa qaab aad u fiican oo ilaalinaya wax soo-saarka deegaan beereedyada isagoo u yeelaya kala duwanaansho xaga dhirta iyo xayawaanka ah iyo u adkaysiga is badelada deegaanada dabiiciga ah.
_____________________________________________
_____________________________________________
🌱Waa isku dhaf macno weyn u leh deegaanka iyo dadka, isaga oo saamaxaya in la helo Cunto, Tamar, Hoy iyo waxyaabaha kale oo ay dadku ubaahanyihiin si noloshu usii waarto. Hadaan la helin beero waara waxaa la weynayaa suurtogalnimada nidaam bulsheed xasiloon.
Naqshadda Permaculture-ka waa nidaam ah isku xiraya fikradaha dadka, waxyaabaha maadiga ah iyo istiraatijiyad qorsheedka si ay isula jaanqaadaan.
_______________________________________________
Naqshadda Permaculture-ka waa nidaam ah isku xiraya fikradaha dadka, waxyaabaha maadiga ah iyo istiraatijiyad qorsheedka si ay isula jaanqaadaan.
_______________________________________________
🌱Falsafada ka dambeysa Permaculture-ka waa la shaqaynta waxyaabaha dabiiciga qaab aan waxyeelo gaadhsiinayn, ilaalintooda iyo fikir qotodheer leh kaas oo ku salaysan inay waxyaabaha uu Permaculture-ku ka koobanyahay ay isula shaqeeyaan qaab aanan nuxuus lahayn. Iyada oo uu Permaculture-ku yahay hanaan waxtar weyn leh, hadana waxaa lagu dari karaa dhammaan tababarada iyo xirfadaha kale ee macquulka ah taas oo karti baaxad leh kusoo kordhin karta iskudayga aadanaha. Hase yeeshee, Permaculture-ku wuxuu xoogga saaraa meelaha horey loo degay iyo dhulalka beeraha ah. Kuwaas oo dhana waxay ubaahanyihiin dib-ufkirid iyo dib-uqaabayn intaba.
_______________________________________________
_______________________________________________
🌱Farqiga dhabta ah ee u dhaxeeya nidaamka deegaanada la tabcado iyo nidaamka dabiiciga ah '' waa ku badnaanshaha xad-dhaafka ee dhirta iyo xayawaanka deenaanada la tabcado intooda badan waxaa loo isticmaalaa manafacaadsiga aadanaha iyo xoolahooda.
🌱Xayawaanku waa qayb aad uyar oo kamidha deenaanada dabiiciga waxaana ay helaan xadi aad uyar markii loo eego waxsoo-saarka ka imaada dabiiciga halka dhirtu ay u samaysantahay caawinta aadanaha tusaale ahaan beeraha guryaha dhexdooda ku yaala qasadkooda waxa uu yahay inay buuxiyaan baahida dadka.
Author:
Mohamedshokry
Comments
Post a Comment