🌱Habka kala badalka Dalaga - Crop Rotation
Kala badalka Dalaga (Crop Rotation) waa farsamo beereed dib ugu laabanaysa waqtigii hore ee boqortooyadii Roomaanka iyo Gariigii hore (Ancient Greece) .
Inkasta oo beeralaydii waagaas aysan fahansanayn cilmiga ka dambeeya kala badalka dalaga, hadana waxay ogaayeen in hadii hal dalag hal goob sanado badan lagu tabco ay keenayso in caradu nafaqada lumiso, waxsoosaarkuna yaraado.
______________________________________________

Si loo xaliyo dhibaatadaas, beeralaydii Roomaanka waxay la yimaadeen farsamo cusub taas oo ay ku magacaabeen“food, feed, fallow.”
Iyadoo farsamadan la deegsanayo, beeralayda dhulka waxay uqaybiyeen sadex qaybood.
Hal qayb waxay ku abuureen dalag cuneed sida Qamadiga, Qaybta labaadna waxay ku beereen quudka xoolaha sida Sareenta halka qaybta sadexaad ay uga tageen meel banaan oo aysan wax ku abuurnayn.
Xili beereed kasta, qaybaha waa ay isku badali jireen si ay kor ugu qaadaan wax-soosaarka waqti dheer.
Markasta oo ay beeralaydu dabaqaan habkaan, tayada carada kor ayey ukacaysay, qasaaraha dalaga ee cudurada iyo cayayaankana hoos ayey udhacayeen.

Hadaba si aan si fiican ufahano aan dul istaagno mabaadi’da kala badalka Dalaga.
Mabaadi’da kala badalka Dalaga.
____________________________________________

Kala badalka dalaga waxa uu ku salaysan hab beerid isku xig-xigta oo dalagyo kala duwan hal goob lagu beerayo. Qorshaha kala badalka dalaga wuu ku kala duwanaan karaa xili beereed kasta, had iyo goorna beeralaydu ma raacaan hal qaab.
Waxay doortaan dalagyo kala duwan xili kasta taas oo ku salaysan baahidooda, suurtogalnimada tacabeed iyo xaalada deegaanka.

Tusaale, hal beerwale ayaa uraacaya qaab todobo sano kala badal dalagyada ah sida soo socota;
🌱Sanadka 1-aad: Galay
🌱Sanadka 2-aad: Sareen
🌱Sanadka 3-aad ilaa sanadka 5-aad: cawska Alfalfa-ha ah
🌱Sanadka 6- ilaa sanadka 7-aad: banaan ama dhul daaqsimeed.

Mid kale ayaa isna qaabkan isticmaali kara;
🌱Sanadka 1-aad: Karoorto ama dabacase
🌱Sanadka 2-aad: Qamadi
🌱Sanadka 3-aad ilaa sanadka 7-aad: Bluegrass
______________________________________________
🌱Sanadka 2-aad: Qamadi
🌱Sanadka 3-aad ilaa sanadka 7-aad: Bluegrass
______________________________________________
Inkasta oo qorshayaasha ay kala gedisanyihiin, hadana waxay ku salaysanyihiiin habka kala badalka dalaga.
Habka aas-aasiga ee kala badalka dalaga waa in la abuuro dhirta bahda proteinka leh sida (leguminous crops sida Digiraha) kadib dhirta badarka ah (cereal crops sida Galayda) deetana dhulka banaan looga tago oo aan la tabcan ugu yaraan hal xili.

Hadii habkaan isku xig-xiga la dabaqo waxaa looga hortagi karaa sadex dhib oo waaweyn kuwaas oo kale ah;
🌱Limista Nafaqada carada;
🌱Baahista cayayaanka iyo cudurada (Aafooyinka)
🌱Caro guurka.
______________________________________________
🌱Baahista cayayaanka iyo cudurada (Aafooyinka)
🌱Caro guurka.
______________________________________________
Habkan kala badalka Dalaga waa mid kamid ah hababka ugu wanaagsan ee beeraha lagu xakameeyo (control).
Hadaba maxaan ka faa’iidaysaa hadii aad habkaan beertaa ku dabaqdo;
🌱Maareynta Nitrogen-ka ee beertaada.
🌱Hoos udhaca diikhowga( Pollution ) dhulka iyo biyaha.
🌱waxaa siyaadaya qaababka (structure) Carada.
🌱waxa siyaadaya awooda ilaalineed ee biyaha carada.
🌱waxa hoos udhacaya guuritaanka(erosion) carada.
🌱waxaa kor ukacaya awooda xakamaynta aafada, cawska iyo cudurada.
🌱Qafiifinta isbadalka cimilada.
🌱Kor wax-soosaarka dalagyada.
🌱Iyo waxyaabo badan.

Mahadsanid
Author:
MohamedShokry
Comments
Post a Comment