Gooryaan Dhuleedka iyo sida uu u caawiyo carada wax lagu beerto



Markii la eego hawlaha ay carada ka dhex qabtaan, gooryaan-dhuleedyada waxay leeyihiin faa’iidooyin fara badan oo ay kamid yihiin;
_______________________________________________
🔶Fududaynta helitaanka nafaqada carada ku jirta.
🔶Biyo-shuur wanaagsan.
🔶Qaab dhismeedka carada oo fiicnaada taas oo keenaysa inay wax beerashadu ay fiicnaato.
🔶Iyo waxsoosaar wanaagsan.
_______________________________________________
🔶1. Helitaanka nafaqada oo sahlanaanta.
Gooryaan-dhuleedyada waxay quutaan haraadiga Dhirta sida (Xidida dhintay, Caleemaha, cawska iyo nafaqo digeedka) iyo carada lafteeda.
Habkooda dheef shiidka ayaa wuxuu burburinayaa cuntada adag si uu uga dhigo qaab ay isticmaali karaan. Haraadiga gooryaanada ayaa ka hodansan xaga nafaqada markii lala bar-bar dhigo carada hareerahooda mida taal. Nitrogen-ka ku jira haraadiga gooryaanadan ayaa ah mid ay si toos ah u isticmaali karto dhirta. Jirka Gooryaanadan ayaa si fudud ku bur-bura taas oo nitrogen badan dhulka ku deeqa.
Cilmi-baaris laga sameeyey dalka New Zealand ayaa sheegaysa in haraadiga Gooryaanadan ay soo daayaan phosphorous afar laab ka badan mida laga helo oogada Carada. Had iyo Goor gooryaanada waxay uga tagaan haraadi ay nafaqo ka buuxdo dul-duleeladooda taas oo abuuraysa deegaan ku haboon koritaanka xididada dhirta. Dul-Duleelada waxay u ogolaanayaan xididada dhirta inay gun dheer carada ugalaan si ay u gaaraan qoyaan iyo nafaqada ka fog.
_______________________________________________
🔶2- Biyo-Shuur hagaagsan
Dul-duleedyada saa’idka ah oo ay gooryaanadanu sameeyaan waxay jilciyaan hawana siiyaan carada iyagoo weliba hagaajiya biyo-Shuurka carada. Carada gooryaan dhuleedyadu ku jiraan waxay biyo-shuur sameysaa 10 laab ka dhaqsi badan markii loo eego carada aan xayawaanadan lahayn.
Carada aan la falin oo ay xayawaanadan ku badanyihiin, gelitaanka biyaha waxay qaataan 6 laab wax ka badan markii loo eego carada la caro-rogay. Dul-duleedyada ay gooryaan dhuleedku ka sameeyaan carada waxay unoqdaan marin ay ka baxaan nuuriyada iyo waxyaabaha kale markii uu roob da’o amaba la waraabiyo carada.
_______________________________________________
🔶3- Qaab-dhismeed caro oo hagaagsama.
Gooryaan Dhuleedyada waxay isku dhejiyaan quruuruxa carada ee is-haysadka lagabyada biyaha fadhiya dushooda. Tani waxay awood usiinaysaa inay kaydsadaan qoyaanka iyagoo aan kala didin. Cimi-baadhis ayaa sheegaysa in Gooryaad Dhuleedyada uga taga haraadigooda dusha sare ee carada eey dib usameeyaan lakabka saree e carada (Topsoil). Xaaladu markay wanaagsantahay waxay samayn karaan qiyaastii 50 t/ha sanadkiiba taas oo ku filan samaysanka lakab 5 mm gudaha ujira oo caro ah.
_______________________________________________
🔶4- waxsoosaar wanaagsan.
Cilmi-baaris ku aadan Gooryaan Dhuleedyada oo laga sameeyey New Zealand iyo Tasmania ayaa waxaa lagu ogaaday markii lagu daray xayawaanadan caws aan gooryaan lahayn uu keenay koror bilaw oo ay ku siyaaday koritaanka cawskii 70-80%, qorshihii markii la dheereeyayna 25% ay Iyana siyaaday tani waxay keentay koror macquul ah.
Sidoo kale cilmi-baarashayaasha waxay ogaadeen in cawska ugu wax soo-saarka badan ay ku jireen 7 milyan oo Gooryaan-Dhuleedyo ah halkii hectare-ba.
Sidaas darteed waxaa jira xiriir aad u dhaw oo ka dhexeeya wax-soosaarka cawska iyo xajmiga guud ee Gooryaan-Dhuleedka.

Author:
MohamedShokry

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.