Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.
Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.
.
waxaan rabaa inaan soo gudbiyo maanso ku saabsan aduunyada sida ay iila muuqato, maansadan waxaan tiriyey sanadkii 2015
erayada maansadana waa sidan;
Goblan talo aduunyoy,
ma aakhir gaba-gabiyo,
asalkaagiyo aayihii,
waxaad ayaamo ahayd,
miyaa idlaadoo,
eegan abyamay,
mise amuuro dhowroo,
weli kuu aasanoo,
la abaarin baa jira,
aniguse abla-ableeyoo,
akhbaartaada guud,
gun iyo baar u abtiriyey,
Awal hore waxaad joogtiyo,
aakhiru sabaanki weeyee,
diinteenu adkaysoo,
astaantaada guud baa,
kitaabada ku astaysan,
ibtilaa waxay tahay,
faxshi lagu abaaboo,
loo wada ardaa tag,
uumiyuhu xishoon waa,
aayadii Illaahiyo,
axaadiistii maanace,
xumaanti loo wada aroor,
adoon is asqeeyiyo,
daalin arxan la'baa
uurkaaga jiifee,
aadahaa is wada dilayoo,
unuunka is wada jarayee,
ablayda isu sida,
cid amaan haysataa jirin.
islaamkana ha sheegin,
aroor walboo timaada,
ilmaa hooraysoo,
umal iyo dhibaatiyo ,
way kala irdhoobeen,
balose waxay ahaatay,
goortay ababeenoo,
diinta ka afaysteen,
oo meel omos liyo abaar,
god abees ka aadeen,
alif kalaa wuxuu yahay,
in aqoon lagu kala tagoo,
dawladaha qaar aaraniyo,
dhul wada ilaysiyo,
ilo biyo leh joogaan,
oo dayaxaa ifaayiyo,
samada aalad loo sito,
kuwo kalena aafo jahliyo,
aadaar cuduriyo,
abaaro aan dhamaaniyo,
weli iino la jiifaan,
oo khayraadkaa arligoodiyo,
waxaa dheeman ku oodaniyo,
nimcada dhex ahaatay,
ka akhbaar la'oo,
ogaalba ka haysan,
gablan talo aduunyoy,
ninna ehelkiisa sokiyo,
aqrabaad utahay,
ninna abris ku adhax iyo,
oofaha ku gooyiyo,
la amaansan baw tahay,
abshirse waxay utahay,
ninka kaa il qarsadoo,
alalaaskaaga gaarkiyo,
waxaad udug leedahay,
intuu kaa oon-doorsaday,
aakhiradii dambeetiyo,
janadii wada akhdarkiyo,
ubaxyadu dhalaalayeen,
webiyadana lagu edkay,
usahay urursadoo,
aqbaliyo ajiibiyo,
Allah ka tuugay.
erayada maansadana waa sidan;
Goblan talo aduunyoy,
ma aakhir gaba-gabiyo,
asalkaagiyo aayihii,
waxaad ayaamo ahayd,
miyaa idlaadoo,
eegan abyamay,
mise amuuro dhowroo,
weli kuu aasanoo,
la abaarin baa jira,
aniguse abla-ableeyoo,
akhbaartaada guud,
gun iyo baar u abtiriyey,
Awal hore waxaad joogtiyo,
aakhiru sabaanki weeyee,
diinteenu adkaysoo,
astaantaada guud baa,
kitaabada ku astaysan,
ibtilaa waxay tahay,
faxshi lagu abaaboo,
loo wada ardaa tag,
uumiyuhu xishoon waa,
aayadii Illaahiyo,
axaadiistii maanace,
xumaanti loo wada aroor,
adoon is asqeeyiyo,
daalin arxan la'baa
uurkaaga jiifee,
aadahaa is wada dilayoo,
unuunka is wada jarayee,
ablayda isu sida,
cid amaan haysataa jirin.
islaamkana ha sheegin,
aroor walboo timaada,
ilmaa hooraysoo,
umal iyo dhibaatiyo ,
way kala irdhoobeen,
balose waxay ahaatay,
goortay ababeenoo,
diinta ka afaysteen,
oo meel omos liyo abaar,
god abees ka aadeen,
alif kalaa wuxuu yahay,
in aqoon lagu kala tagoo,
dawladaha qaar aaraniyo,
dhul wada ilaysiyo,
ilo biyo leh joogaan,
oo dayaxaa ifaayiyo,
samada aalad loo sito,
kuwo kalena aafo jahliyo,
aadaar cuduriyo,
abaaro aan dhamaaniyo,
weli iino la jiifaan,
oo khayraadkaa arligoodiyo,
waxaa dheeman ku oodaniyo,
nimcada dhex ahaatay,
ka akhbaar la'oo,
ogaalba ka haysan,
gablan talo aduunyoy,
ninna ehelkiisa sokiyo,
aqrabaad utahay,
ninna abris ku adhax iyo,
oofaha ku gooyiyo,
la amaansan baw tahay,
abshirse waxay utahay,
ninka kaa il qarsadoo,
alalaaskaaga gaarkiyo,
waxaad udug leedahay,
intuu kaa oon-doorsaday,
aakhiradii dambeetiyo,
janadii wada akhdarkiyo,
ubaxyadu dhalaalayeen,
webiyadana lagu edkay,
usahay urursadoo,
aqbaliyo ajiibiyo,
Allah ka tuugay.
W/T: Mohamedshokri
Comments
Post a Comment