Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.
Biyo-Xireenka Baardheere iyo Mashruuca kaabayaasha Biyaha waxa uu ka koobnaa Biyo-xireen ujeedo badan laga lahaa kaas oo cabirkiisu ahaa qiyaas ahaan 600m oo dhirir ah iyo 75m oo joog ah si uu umaamulo qul-qulka biyaha Wabiga Jubba,sidoo kale in laga dhaliyo quwada korontada ee biyaha laguna xakameeyo daadadka ama fatahaadaha.
Mashruuca waxa sidoo kale ku jiray dhismaha hanaan waraab iyo mid biyo-shuur ah kuwaas qiyaas ahaan loogu talagalay in laga hirgeliyo dhul dhan 5000 ha.
_______________________________________________

Biyo xireenka waxaa laga rabay in laga hirgeliyo meel wabiga Jubba 35km dhanka sare ka xigta ee Magaalada Baardheere.
Wabiga Jubba waxa uu kasoo samaysmaa ama ka imaadaa sadex ilo biyood kale kuwaas oo kale ah; Dawa, Genale iyo Weyb.
Weyb iyo Genale way isku darsamaan iyagoo samaynaya Wabiga Jubba meel wuqooyiga Doolow ah ee gudaha Ethiopia halka Dawa uu Wabiga Jubba ku darsamo markii wax yar lasoo dhaafo xuduudka Somalia iyo Ethiopia.
Wabiga Jubba waxa uu kusoo qul-qulaa gudaha Soomaaliya kahor inta uusan kaga darsamin Badweynta Hindiya Deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xaalada Biyaha Wabiga jubba markaan fiirino, dalka Ethiopia oo ah dhanka sare oo ay biyaha Wabiga ka imaanayaan iyo soomaaliya oo ah dhanka hoose oo ay biyaha Wabiga Jubba kusoo shubmayaan iyo kenya oo ah dal biyo-wadaag ah markii loo eego wabiga Dawa, ma jirin wax heshiis oo wabiga jubba ku saabsan kaas oo uu dhaxeeyey sadexda dalba ama xita qorshayaal wabiga maarayntiisa iyo ka faa’iidaysashadiisa quseeya.
_______________________________________________
_______________________________________________
Qabanqaabada dhismaha mashruuca biyo-xireenka waxa uu bilawday sanadkii 1983-dii halka 1985 Bankiga Aduunka (World Bank) uu ansixiyey bayaan ama OMS (Operation Manual Statement) tirsigiisu ahaa 2.32 kaas oo ku saabsanaa Mashaariicda wabiyada ama Biyo-Mareenada Caalamiga ah.
Isla sanadkaas Bankiga Aduunka (World Bank) waxa uu ku wargeliyey Soomaaliya inay mashruucan Biyo-xireenka ay akhbaar geliso dalalka Ethiopia iyo Kenya.
Hasa ahaatee waqtigaas markii loo eego xaaladii kacsanayd iyo xiriirkii xumaa ee Soomaaliya iyo Ethiopia udhaxeeyey, Soomaaliya waxa ay weydiisatay Bankiga Aduunka inuu isagu wargeliyo Ethiopia.

Bankiga Aduunka isaga oo ka jawaabaya codsiga Soomaaliya waxa uu ku wergeliyey Bishii September sanadkii 1986-dii dalka Ethiopia in Soomaaliya Dhisanayso Mashruuc biyo xireen ah.
Wargelintu waxa ay ka koobnayd Naqshadaha iyo qorshayaasha aas-aasiga ah ee mashruuca Biyo-Xireenka si Ethiopia ay go’aan uga gaarto saamaynta Mashruucan uu ku yeelan karo dalkeeda.
Ethiopia warcelinteedii Bankiga Aduunka uu ka rabay waxa ay ku sheegtay in Mashruucan uusan wax waxyeelo ah ku yeelanayn dalkeeda.
_______________________________________________
Wargelintu waxa ay ka koobnayd Naqshadaha iyo qorshayaasha aas-aasiga ah ee mashruuca Biyo-Xireenka si Ethiopia ay go’aan uga gaarto saamaynta Mashruucan uu ku yeelan karo dalkeeda.
Ethiopia warcelinteedii Bankiga Aduunka uu ka rabay waxa ay ku sheegtay in Mashruucan uusan wax waxyeelo ah ku yeelanayn dalkeeda.
_______________________________________________
Balse markii loo eego Siyaasada Bankiga Aduunka ee arimaha biyaha quseeya , Ethiopia waxaa la warsaday inay soo dirto faalo ama hadal dhamaystiran oo ku aadan Mashruucan Biyo-xireenka iyo saamaynta uu ku yeelan karo dalkeeda mudo lix bilood ku siman isla markaasna aanay ka dibmari Karin waqtigii loo qabtay kaas oo ahaa March 1987.
Ethiopia jawaabteedi March 1987-dii, waxa ay ka laabatay warkeedii hore oo ahaa inuusan mashruucan saamayn ku yeelanayn waxayna sheegtay in dawlada Ethiopia ay damacsantahay qorshayaal ay kaga faa’iidaysanayso dhammaan ilo-biyoodyada wabiga Jubba sameeya oo ay ka hirgelinayso mashaariic horumarineed oo quseeya quwada korontada Biyaha laga dhaliyo iyo waraabka.

Ethiopia waxay soo gudbisay xogo iyo qaar kamid ah qorshayaasha aas-aasiga ah oo ay kaga faa’iidaysanayso wabiga Jubba iyadoo intaas ku dartay in Mashruuca Biyo-xireenka Soomaaliya hirgelinayso uu saamayn waxyeelo leh gaarsiinayo danaheeda kana qaadayo xaquuqdii ay biyaha ku lahayd.
_______________________________________________
_______________________________________________
Dawlada Ethiopia waxa ay soo jeedisay in wada-xaajood bilaw ah lala galo soomaaliya kaas oo ku saabsan isticmaalka biyaha wabiga Jubba iyadoo laga fiirinayo xal ka gaarista arintan taas oo ay kuwada qanci karaan labada dal ee Biyo-Wadaagta ah.
Wada-xaajoodka ay Ethiopia soo jeedisay waxa ay ku sheegtay in la go’aamiyo lana ogaado cadadka Biyaha Wabiga Jubba taas oo cadaynaysa Qoondada biyaha ee uu dal waliba helayo. Sidoo kale Kenya oo laga wargeliyey Mashruucan ayaanan wax jawaab ah laga helin dhankeeda.

Kadib markii bankiga aduunka ay u cadaatay in Ethiopia ay diidmo qayaxan saartay hirgelinta mashruucan, waxay usoo jeedisay Soomaaliya inay wada-xaajood la furto dalka Ethiopia si loo xaliyo mushkilada Wabiga Jubba.
Balse Dawlada Soomaaliya oo waagaas aan diyaar u ahayn inay wada-xaajood la furto dalka Ethiopia ama gacan sadexaad ay arinta soo gasho ayaa usoo jeedisay in Bankiga Aduunka ( World Bank) uu si madaxbanaan qiimayn ugu sameeyo diidmada iyo sheegashada Ethiopia.
_______________________________________________
Balse Dawlada Soomaaliya oo waagaas aan diyaar u ahayn inay wada-xaajood la furto dalka Ethiopia ama gacan sadexaad ay arinta soo gasho ayaa usoo jeedisay in Bankiga Aduunka ( World Bank) uu si madaxbanaan qiimayn ugu sameeyo diidmada iyo sheegashada Ethiopia.
_______________________________________________
Duruufahan soo if baxay markii loo eego, Bankiga Aduunka waxaa ku qasbanaatay in arinta uu u saaro gudi Khuburo madax banaan ah kuwaas soo xaqiijiya saxsanaanshaha Diidmada iyo sheegashada Ethiopia ee ku aadan mashruucan Biyo-Xireenka ah oo ay soomaaliya doonayso inay hirgeliso.
La soco Qaybta 2-aad.
______________________________________
F:G Sawirka xogtan loo adeegsaday maaha kii biyo-xireenka Baardheere ee sawirkii rasmiga ahaa oo aan heli waayey aawadeed ayaan u adeegsaday.
Xigasho:
Salman M. A. Salman
La taliye hore oo xaga Sharciga Biyaha ah.
Bankiga Aduunka.

W/T:
Mohamedshokry
Mahadsanidiin.
Thank you Mohamed I am excitely waiting the next Episode.
ReplyDeleteI'll publish it sooner insha Allah
ReplyDelete