Waa Maxay Regenerative Agriculture?



Regenerative Agriculture waa hab la xiriira cuntada iyo beeraha kaas oo ka hortagaya isticmaalka sumaha, caro-nafaqeeyayaasha kiimikaysan, ujeedada laga leeyahayna ay tahay;
🌱Dib usoo celiynta qaybta sare ee carada (Topsoil),
🌱kor uqaadida kala duwanaanshaha noolaha (biodiversity),
🌱horumarinta wareega Biyaha (water cycle),
🌱kor uqaadida nidaam deegaanada (Ecosystem),
🌱hagaajinta u adkaysiga isbadalka Cimilada (climate change), iyo
🌱xoojinta caafimaadka, beeraha iyo daaqa.
______________________________________________
Regenerative Agriculture waxa uu ku salaysanyahay cilmibaaris qoto dheer leh taas oo kulminaysa beerashada aan kiimikada la isticmaalayn (Organic Farming), hanaan wadareedka kulminaya Beeraha, Qabsashada biyaha roobka, Biyaha caadiga ah, Tamarta, Kaynmaha, maaraynta Uskaga, ka faa’idaysiga kaluunka ee ( Permaculture), Deegaan beereedyada (agroecology), kayn-beereedka (agroforestry), cilmiga soo celinta deegaanka (restoration ecology) qaabka ka faa’iidaysiga biyaha ee naqshadaynta dhulka (Keyline design) iyo maamulida waxan oo dhan.
______________________________________________
Sababta Regenerative Agriculture keentay.
Lumida carada nafaqaysan ee caalamka iyo kala gedisnaanta noolaha, baaba’ida iniinyaha asalka ah iyo aqoonta waxay keeneen walaac iyo khatar ku aadan badbaadadeena mustaqbalka.
Sida ay leeyihiin saynisyahanada carada “ markii la eego xadiga carada ee ku lumaysa ( nabaadguurka, kayn jarida, diikhowga kiimikaysan, iyo kaarboon suulintaba), 50 sano gudaheed, kama caban doono khatar aad u daran ee la xiriirta caafimaadka dadweynaha maadaama uu burbur daran gaari doono ilaha cuntadeena oo carada ah, waxaana nasoo wajahaya nafaqo daro, waayida macdano badan oo aad muhiim u ah awoodna uma yeelan doono inaan helno caro nafaqaysan oo aan wax ku tabcano.”
Hadaba si dhibaatooyinkaas looga gaashaanto waxaa muhiim noqotay in si fiican loo dar-dargeliyo Regenerative Agriculture ama habka Dib-ukabida Beeraha.
______________________________________________
Mabaadi’ida Regenerative Agriculture.
Regenerative Agriculture waxaa hagta 4 Mabda’ kuwaas dabiqitaankooda uu ku xiranyahay hadba cimilada iyo deegaanka laga hirgelianayo Habkaan
Waxayna kala yihiin;
1.In si guul leh loo horumariyo dhammaan deegaan beereedyada (Carada, Biyaha iyo Kala gedisnaanta noolaha (biodiversity).
2.In la abuuro naqshado ama qaabab gaar ah kuwaas oo muhiim u ah go’aanada laga gaarayo qorshaha beer kasta,
3.In la abuuro aaminaad iyo xiriir wax is weydaarsi kaas u dhaxeeya dhammaan dadka hawsha Regenerative Agriculture ku lug leh,
4.In si joogta ah loo beero oo loo kobciyo beeraha, loo dhiirgeliyo dadka ka shaqeeya iyo dhammaan bulshada aagaas si awooda wax soosaar loo xoojiyo.
______________________________________________
Hawl-qabadyada Regenerative Agriculture.
Marka laga soo tago afarta mabda’ ee aan kor kusoo sheegnay, Regenerative Agriculture waxa uu si toos ah ula fal galaa hawl-qabadyadan beereed ee soo socda;
🌱NO-TILL FARMING & PASTURE CROPPING- Waa hab lagu tabco dalagyada iyo daaqa iyadoo aan la faragelinayn carada marka la dhulka la diyaarinayo.
🌱ORGANIC ANNUAL CROPPING- waa hab dalagyada sanadlaha lagu tabco taas oo aan la isticmaalayn wax kiimiko ah haday tahay nafaqada-carada iyo aafo-dilahaba.
🌱COMPOST & COMPOST TEA- Waa bacramiye dareere ah kaas oo loo istcimaalo Ubaxyada, Qudaarta, iyo Dhirta guryaha.
🌱BIOCHAR & TERRA PRETA- Waa farsamo dhuxusha loo isticmaalo in kor loogu qaado nafaqada carada taas oo asal ahaan ka imaatay wabiga Amazon aagiis 2500 sano kahor.
🌱HOLISTICALLY MANAGED GRAZING- waa hab lagu maareeyo daaqa taas oo si isku dhaw sare ugu qaadayso dhaqanka duur joogta iyo xoolaha taas oo kulminaysa soo-saarintaanka dalaga eee xoolaha iyo maaraynta kaynmaha.
🌱ANIMAL INTEGRATION- waa hab lagu daajiyo xoolaha geedaha waaweyn hoostooda sida suufka, qumbaha aadna waxaa loogu isticmaalaa habkan Koonfur-bari Asia.
🌱ECOLOGICAL AQUACULTURE- waa hab lagu beero dhirta iyo laguna dhaqdo xayawaanka hanaan biyood iyadoo la isticmaalayo qaab loo ekeesiinayo deegaanada daciiciga ah.
🌱PERENNIAL CROPS- waa dalagyada noolaada wax ka badan 2 sano.
🌱SILVOPASTURE- waa hab isku dhaf ah kaas oo geedaha, dhirta daaqa loo isticmaalo iyo xoolahaba hal meel ku kulminaya.
🌱AGROFORESTRY- waa hab beereed ujeedadiisu tahay tabcashada geedaha
______________________________________________
Regenerative Agriculture waxaa waqti xaadirkan ku hawlahan 17kaan hay’adood dunida oo dhan;
1. Aranya Agricultural Alternatives
2. Grounded
3. Kiss the Ground
4. RegenAG
5. Regeneration International
6. Rodale Institute
7. Savory Network
8. Soil Capital
9. Soils, Food, and Healthy Communities
10. Soil Foodweb Institute
11. Sustainable Harvest International
12. Terra Genesis International
13. The Carbon Underground
14. The Ecological Farming Association (EcoFarm)
15. The Land Institute
16. The Timbaktu Collective
17. The Traditional Native American Farmers Association
iyo kuwo kale oo badan.

Author
Mohamedshokry

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.