Waa maxay Climate-smart Agriculture?



Macluumaad Kooban.
_______________________________________________
Climate-smart agriculture ama CSA waxaa lagu qeexi karaa hab dib loogu badalayo looguna qaabaynayo horumarka Beeraha iyadoo laga duulayo isbadalka Cimilada sidaas waxaa yiri Lipper iyo saaxiibadiis sanadii 2014.
_______________________________________________
Qeexitaanka ugu fiican waxaa soo saartay Hay’ada Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO iyado ku qeexday Climate-smart agriculture ama CSA “Hanaan Beereed si waarta kor ugu qaadaya wax soo-saarka beeraha, kordhinaya u adkaysiga masaa’iibta ama la qabsiga isbadalka cimilada, yaraynaya qiiqa Gaasaska (Greenhouse Gases/GHS) iyo sare uqaadida sugnaanta amaanka cunada ee qaramada iyo ahdaafta horumarka ee caalamiga ah.
______________________________________________.
Qeexitaankan FAO, hadafka ugu horeeya ee Climate-smart Agriculture-ka uu ku sheeagayo waa adkaynta amaanka cuntada iyo gaaritaanka ahdaafta horumarka ee caalamiga ah halka qeexitaankii Lipper iyo saaxiibadiis;
Wax-soosaarka,La qabsashada is badalka cimilada, iyo Yaraynta qiiqa Gaaska (Greenhouse Gases/GHS) ay yihiiin sadex tiir oo isku xiran kuwaas lagama maarmaan u ah in la gaaro ujeedka climate-smart Agriculture.
_______________________________________________
Sadex Tiir ee Climate-smart Agriculture ama CSA.
1-Wax-soosaarka- CSA-ka waxay ujeedadiisu tahay inay si joogto ah loo kobciso wax-soo-saarka beeraha iyo dakhliga dalagyada, xoolaha iyo kalluunka, iyada oo aan wax saamayn xun ah ku yeelanayn deegaanka. Hawshan oo hirgashana waxay kor u qaadi doontaa ammaanka cuntada iyo nafaqada. Qodobka muhiimka ah ee la xiriira kor u kaca waxsoosaarku waa is-beddel waara oo ku yimaada hanaanka wax-soosaarka.
_______________________________________________
2- La-Qabsashada- Ujeedada CSA-ka ee La-qabshada waa inay yareeyso khataraha saameeya beeralayda muddada gaaban, iyada oo sidoo kale xoojinaysa adkeysiga Khataraha iyo walwalka mudada dheer ee beeralay waxayna siinaysaa awoodii ay ugu dul-qaadan lahaayeen dhibaatooyinkaas.Taxadar gaar ayaa la siinayaa si loo ilaaliyo adeegyadda deegaanka uu siinayo beeralayda iyo xayawaanada kale ee ku nool. Adeegyadani waxay lagama maarmaan u yihiin ilaalinta wax soosaarista iyo awooddeena aannu u leenahay laqabsiga isbedelka cimilada.
_______________________________________________
3- Yaraynta qiiqa Gaaska (Greenhouse Gases/GHS) - Goor iyo Goob kastaba, CSA waxa uu saacidaa yaraynta qiiqa gaaska (Greenhouse Gases/GHG). Tanina waxay muujinaysaa in aan hoos u dhigno qiiqa tamar kasta, cuntada, dhirta miiqa leh iyo shidaalka aan soo saarno. Taas oo aan kaga fogaaneyno nabaadguurka beeraha. Iyo in aan maareyno carrada iyo dhirta siyaabo usuurtogelinaya inay hawada gaaska carbon-ka ka nuugaan hawada.

Author:
Mohamedshokry

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.