Xog Kooban 🌱Qamadiga



🌾Qamadigu waxa uu kamid yahay bahda Grass Family.
🌾95% Qamadiga caalamka la tabcado waa common wheat (Triticum aestivum).
🌾Qamadiga dunida oo dhan ayaa laga tabcadaa marka laga reebo qaarada Antarctica.
🌾Qamadiga waxaa lagu tabcadaa dunida oo dhan dhul gaaraya 220.4 million hectares (544.6 million acres).
🌾Sanadkan 2018, wax soosaarka qamadiga ee dunida waxaa lagu qiyaasaa inuu gaarayo 728 million tonnes taas oo ka dhigaysa dalaga ugu wax soosaarka badan xaga badarka (cereals ) Galayda kadib.
🌾Qamadiga waa dalaga ugu horeeya ee leh burutiinka khudrada (vegetable protein) ee cuntada aadanaha.
🌾Qamadiga bixitaankiisa abuurid ilaa gurasho waxa uu ubaahanyahay qiyaas ahaan mudo udhaxaysa
110 ilaa 130 maalmood kaas oo ku xiran cimilada, carada ee deegaanka iyo nooca iniinta.
🌾Qaar kamid ah noocyada qamadiga dherer ahaan waxa uu gaaraa 210 centimetre (7 dhudhun) balse inta badan qamadiga dhererkiisu waxa uu udhaxeeyaa 60 ilaa 120 centimetre.
🌾Inta badan Qamadiga waxaa lagu gurtaa Combine Harvester.
🌾Qamadiga 13% waa biyo, 71% waa carbohydrates iyo 1.5% fat.
🌾Cuntooyin badan ayaa laga sameeyaa oo ay ugu horayso Pasta.
🌾Shantan dal ayaa ugu horeeya caalamka wax-soosaarka Qamadiga, waxayna kala yihiin;
🔷China,
🔷India,
🔷Russia,
🔷United States iyo
🔷France.

Author
MohamedShokry

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.