Sidee boyoloji ahaan loo xakamayn karaa Malabisada ama Aphids?


Malabiso – Aphids - waa mid kamid ah aafooyinka ugu halista iyo waxyeelada badan ee saameeya dalagyada la beerto.
Malabisadu waa cayayaano yar-yar oo jir jilicsan leh kuwaas oo quuta noocyo badan oo dhir iyagoo saameeya xidida, caleemaha welibana gudbiya cudurada dhirta.
Marka lala bar-bar dhigo aafooyinka kale sida thrips iyo diqsiga cad (whitefly), waxaa jira noocyo badan oo malabiso ah.
______________________________________________
Labada sababood ee ugu waaweyn ee keentay baahida xakamaynta boyoloji ee malabisada waxay kala yihiin;
🌱Isticmaalka badan ee cayayaan dilaha (insecticide) oo keentay laqabsi iyo iskacaabin xoogan oo ay cayayaan-afeedku yeeshaan iyo
🌱Isticmaalka batay ee xakamaynta boyoloji oo cayayaano badan loo adeegsado taas oo keentay in sidoo kale loo isticmaalo xakamaynta malabisada.
Sidoo kale noocyo badan oo malabiso ah ee Beeraha field-ga waxay noqon karaan afooyin laga helo guribeereedyada (greenhouses) waayo cimilada iyo dhirta xaaladooda markasta waa mid dhexdhexaad ah taas oo siyaadinaysa koriinka iyo badashada malabisada.
______________________________________________
Marka loo eego noocyada dhirta oo ay malabisadu saameeyaan, malabisada labo ayaa loo qaybin karaa;
1) Noocyo dhir badan weerara - Polyphagous species: kuwa ugu caansan ee noocyadan waxaa kamid ah; Myzus persicae (Sulzer), Myzus nicotianae Blackman, Macrosiphum euphorbiae (Thomas) and Aulacorthum solani (Kaltenbach).
2) Noocyo dhir dhowr ah weerara- Oligophagous species: kuwa ugu caansan ee noocyadan waxa kamid ah; Nasonovia ribisnigri (Mosley), Hyperomyzus lactucae (Linnaeus) and Acyrthosiphon lactucae (Passerini), Rhodobium porosum (Sanderson), Chaetosiphon fragaefolii (Cockerell) , Myzus ascalonicus Doncaster and Dysaphis tulipae (Boyer de Fonscolombe).
______________________________________________
Calaamadaha lagu garta waxyeelada Malabisada.
Calaamadaha malabisada inta badan waxay ka dhashaan hanaankooda quudasho ee qaniinida iyo nuugida isugu jirta waxaana kamdi ah;
Caleemaha oo isku laabma ama maroojisma marka ay nuugayaan nudayaasha cagaraan, guntimo iyo ruquro samaysma marka ay nuugayaan nudayaasha jirida gedaha sido kale inta badana malabisadu waxay sii daayaan maado la yiraahdo honeydew taas oo sababta koritaanka xuub budo ah oo madow kaas oo ku dahaarma caleemaha.
______________________________________________
Labo qaab oo aad bayoloji ahaan ku xakamayn karto Malabisada ayaan halkan hoose kuugu soo gudbinaynaa si aan isaga xakamayso aafada.
1. isticmaalka xoon dulineedka – Parasitic wasp🐜
Xoon dulineedka aad ayaa loogu isticmalaa in lagu xakameeyo boyoloji ahaan aafooyin badan oo Beeraha saameeya sida malabisada, anteenadiisa ayuu ku raadsadaa malabisada, kadiba nooca dhediga ah way is wareejisaa marka ay aragto malabisada, waxay ku mudaa xubinteeda ukun dhigista – ovipositor si ay ucuryaamiso noloshoodo sidoo kale dhinaca kale oo malabisada ayey hadana waxay ku mudaa xubin ukun-dhigeedkeeda si ay ukun ugu rido, ukunta ayaa ku korta gudaha malabisada iyadoo u gudubta marxalada dirxiga – larvea, dixriga waxa uu isku badalaa marxalad kale oo la yiraahdo cocoon gudaha malabisa isagoo sababaya inay malabisadu bararto oo ay waxyeelo gaarto ,kadibna kuwa qaangaaray ayaa kasoo dhex baxa jirka malabisada taas oo keenta in malabisadu sidaas ku dhimato.
2. isticmaalka Ladybird🐞
Ladybird waa cayayaan isagana aad loogu adeegsado xakamaynta boyoloji ee malabisada, taas oo yaraynaysa isticmaalka baahsan ee cayayaan dilaha, daraasad ayaa sheegaysa in ladybird-ku cuni karaan noloshooda malabiso tirodoodu dhantahay 5000 oo xabo.
Ladybirds waxay aad usaacidaan beeralayda iyagoo cunayaa guud ahaan malabisada beerta kaa halakaysay, maalintii ku dhawaad 50 xabo ayey cuni karaan, sida ugu fudud ee aad beertaad ladybird u keeni karto waa marka inaad hesho ladybird kadib aad kusoo rido caaga yare e biyaha laga cabay deetana halka ay malabisada kaa halakaysan aad ku daadiso si ay bartilmaameedsadaan malabisada.

Author:
MohamedShokry

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.