🌱Habka kala badalka Dalaga - Crop Rotation
Kala badalka Dalaga (Crop Rotation) waa farsamo beereed dib ugu laabanaysa waqtigii hore ee boqortooyadii Roomaanka iyo Gariigii hore (Ancient Greece) . Inkasta oo beeralaydii waagaas aysan fahansanayn cilmiga ka dambeeya kala badalka dalaga, hadana waxay ogaayeen in hadii hal dalag hal goob sanado badan lagu tabco ay keenayso in caradu nafaqada lumiso, waxsoosaarkuna yaraado. ______________________________________________ Si loo xaliyo dhibaatadaas, beeralaydii Roomaanka waxay la yimaadeen farsamo cusub taas oo ay ku magacaabeen“food, feed, fallow.” Iyadoo farsamadan la deegsanayo, beeralayda dhulka waxay uqaybiyeen sadex qaybood. Hal qayb waxay ku abuureen dalag cuneed sida Qamadiga, Qaybta labaadna waxay ku beereen quudka xoolaha sida Sareenta halka qaybta sadexaad ay uga tageen meel banaan oo aysan wax ku abuurnayn. Xili beereed kasta, qaybaha waa ay isku badali jireen si ay kor ugu qaadaan wax-soosaarka waqti dheer. Markasta oo ay beeralaydu dabaqaan habkaan, tayada carada ...