Rajadii Xamar Ku Luntay!

Rajadii Xamar Ku Luntay!



Sheekadii Cartan.
Warqadii xabaalaha ka timid.


Marka hore salaanta islaamka ayaan ku salaamayaa qof kasta oo ay warqadani soo gaarto.
Asalaamu Alaikum Warahmatulaahi Wabarakatuh

Magacayga waa Cartan, waxaana kamid ahaa dhalinyarada ku nool magaalada ku muqdisho, tanina waa sheekhadayda.

Hadaan kasoo bilaabo Bilawgii jiritaankayga iyo kusoo biiridaydii dunida, waxaan dhashay anigoo aan war ka haynin dalka iyo dadka aan ka dhalan doono balse hadii aan talo ku lahaan lahaa xiligi aan dhalanayo marnaba maan doorteen inaan xiligaas aan aduunka kusoo biiro balse dalkaan ka dhashay marnaba meel dunida kamid ahi kumaan badasheen waana wax rabi loogu shugriyo in aan somalia ka dhasho.

Waxaan dhashay horaantii sagaashameeyadii waqti aanan ogeyn sida uu igu soo dhaweeyey dalkaygii iyo xaalka ay dadkaygii ku sugnaayeen.
nasiibkaa sidaa iska ahaaye, waxaan dhashay xili dalkaygii xaalkiisu ay meel aad unaxdin badani maraysay, dadkaygiina ay dagaalo iyo abaaro ay uwada kulmeen, dawladnimadii, nabadii, karaamadii, iyo sharafkii ay lahaayeena ay ceel isku mar kuwada dhaceen.

Waa xaalad aan laga sheekayn karayne, deegaanada dalka way kala nabdoonaayeene, Xamar oo aan ku dhashay waxay ku sugnayd xaalad qatar ah oo aan naf iyo hantiba lagu aamini karin, sidaas darteed aniga iyo qoyskayguba waxaan uqaxi jirnay hadba meeshii aanu is leenahay wax nabad u eg baa laga sheegay.

Xaalada dalka oo aad uga sii daraysay, maalinba maalinka ka dambeeyana, dadkii soomaaliyeed oo ciirsi-waa la wada golongolayey, qof iyo qoysba  siday awoodeen ayey uga baxsanayeen dhibaatooyinkii baahsanaa ee dalka ka dhacay
Qaar badan oo ummaddii soomaaliyeed kamid ahayd waxay uhayaameen wadamada deriska ah oo aay qaxooti miciin bideen, qaar kalena daafaha dunida ayey ujaqaafsadeen waa intii waxoogaa hanti ah gondaha ku haystaye, balse qaar badan oo waxaa jiray dantu meelna geyn wayday oo hadba meeshay nabadi ka jirto ucarari-jiray.

Aniga iyo qoyskayga qaybtaas aan dalka ka tagin ayaanu ku jirnay. sanadihii hore ee noloshayda waxaan ku qaatay qax iyo dagaal ka carar joogto ah.

Sidoo kale waxaa iska adkaa nolosha reerkayaga waayo waalidku maysan shaqayn jirin meel laga shaqeeyaana maysan jirin sidaas darteed aniga iyo walaaladayba sidaan rabnay wax uma heli jirin.
(nin calool xuroobaa xaragoodee).

Wuxuu xaalku sidaa ahaadaba oo aaskii madoobaadana uu gu' ii kordhinayey markan waan yara koray oo hanaqaad ayaan ahay reerkana hawshii karaankayga ah waan ka saacidi jiray.

Waxaan kusoo laabanay magaaladii Xamar oo xoogaa ka yar nasatay dagaaladii joogtada ahaa, dadkuna ay ku waabariisanayaan hadal-haynta dib uhelida dawladnimo waayo waagaas waxaa tuulada Carte ee dalka Djibouti ka socday shirkii dib-uheshiisiinta soomaalida iyo yagyeelida dawlad soomaaliyeed.
aniga shaqsiyan waxba kama ogeyn is-badelada jira waagaas waayo dawladnimada la sheegaba buugaba iiguma jirin oo maan aqoonin,sababtoo ah waxaan ku garaadsaday qaxa iyo dagaaladii dalka ka jiray, amni iyo dawladna warkeedana waa ii hawl kale.

Dugsi quraankii ayaan dhammeeyey si kastaba aan ku dhameeyee, waxaa ii suurtogashay oo aan nasiib uyeeshay inaan helo wax-barasho aas-aasi ah, waxaana bilaabay fasalkii koowaad ee dugsiga hoose.

Waxay ii ahayd dareen iyo dhacdo qurux badan oo aan ku noolaa waayo badan sababtoo ah waxaa ii bilaabmayey safar waqti dheer qaadanaya oo aan aqoon iyo ilbaxnimo ku kasbanayo wax badanna ku badali karo hadaan ka miro dhaliyo.
maskaxdayda oo fiicnayd iyo quraankii oo aan si fiican usoo bartay waxay ii sahleen inaan si fiican ula-qabsado iskuulkii lay geeyey.
isla judhiiba waxaan yeeshay saaxiibo badan, macalimiintana way ijeclaadeen maadaama aan waxbarashada ku fiicnaa, akhlaaqdayda iyo ixtiraamka aan macalimiinta uhayeyna aysan xumayn.
waxaana kamid noqday ardadii fasalka laga tilmaami jiray aadna looga jeclaaday.

Geesta kale, dalkaygii xaalkiisii weli waa gebi-dhaclaynayey oo dawladnimo iyo kala damabayn in la helo ayey bulshadu ku uhamuun qabtay.

Xiligaas waxan noqday qof wax kala garanaya oo meesha uu dalka marayo si fiican ula socda, beri-samaadkii iyo nabaduu dalkaygu haysan jirayna maqal ku haysta.
Guud ahaan dalkii iyo magaaladii Xamar waxaa markii ugu horeysay imaaday ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo xasuuq aan loo aabo-yeelin ugeystay shacabkii soomaaliyeed ee Xamar ku sugnaa.

Markaan xaaladu waa ka duwantahay xiligaan dhalanayey, qaxana waa ka duwanyahay kii hore.
waxaan mar labaad ka qaxnay magaaladi Xamar halkaas waayaha waxay iga jiireen waxbarashadii oo waxaan kala irdhawnay macalimiintii iskuulka iyo ardadii aanu saaxiibada ahayn.

Xaalad amni xumo midii ugu darnayd ayey Xamar mar kale gashay, anigana dhowr sano oo waxbarasho la'aan ah ayaa ila soo daristay, kaligayse ma ahayne malaayiin kamid ah ubixii ummada soomaaliyeed ayey dhibaatadani haysatay balse aniga marnaba maanan rajo dhigin oo niyada ayaan kasii diyaargaroobayey si aan mar kale wax-barashadaydii dib-ubilaabo.

Nasiib wanaag, mar kale ayaanu Xamar kusoo laabanay kadib markii ciidankii Itoobiya ay dalka isaga baxeen, waxaana dib ugu noqday iskuulkaygii, waxaana mar kale la midoobay macalimiintii iyo ardadii. inkasta oo qaar badan oo ardadii iyo macalimiintii kamid ah aysan soo noqon.

Xaalada Xamar way soo hagaagaysay, hanaankii dawladnimana geedigeedii waa socday sida diinkaba ha usocdee, waxaa laga baxay nidaamkii kumeel-gaarka ahaa waxaana soo iftiimay rajo fiican iyo maandeeq dib uhelideedii.

Aniga waxaa ii suurogashay inaan dugsigii sare dhammeeyo kadibna aan helo fursad aan jaamicad ku dhigto.mar kasta waxaan ku jiray dadka safka kaga jiray helitaanka dawladnimo iyo nidaam nabdoon.
waxaan qalbiga ku hayey waxa kaliya ee aan wax ku noqon karo, dadka iyo dalkana aan wax ugu qaban karo inay tahay dawladnimo, xili kastana waan raad-raacayn jiray siyaasada si aan dalka meesha uu marayo ula socdo.

Inkasta oo abaaro ba'an dhaceen oo dad badan oo soomaaliyeed ay ka barakaceen guryahoodii, Xamartii weynayd iyo xaruntii dalkeena waxay martigelisay barakicii ubadnaa abid.
dhinaca kale Magaaladu waxay kasoo kabanaysay daqaradii iyo bur-burkii kasoo gaaray dagaaladii soo maray. waxaynu isu diyaarinay inay mar kale maqaamkeedii dib usoo ceshato ileen waa meesha kaliya ee ummada soomaaliyeed wada-qaada.

Wadooyinkii ayaa la dayactiray, dhismayaal cusub iyo ganacsiyo casri ah ayaa hirgalay, magaaladii way balaaratay oo Afgooye ayey cabaar ujirsatay, xaafado cusub oo si casri ah udhisana wa dhismeen.
dalxiiskii iyo tamashlihii ayaa bilawday oo meelo qurux badan oo la dalxiis tago ayaa Xamar laga furay, xeebtii quruxda badnayd ee Liidana waxay marti-soortaa maalin kasta malaayiin soomaali ah oo dhalinyaro ubadan.Dakadii iyo madaarkii waa shaqaynayeen, marba marka kasii dambaysaysana baahida nabad iyo ammaan loo qabo way sii lixaadsanaysay.

Aniga xaalkayga meeshii ugu fiicanyd ayuu marayey, waxaa ii dhammaaday jaamacadii, waxaana rajo wayn ka qabay inaan shaqo fiican helo. Sidoo kale dhanka haasaawaha, waxaanu xiriir fiican oo akhlaaq iyo ujeedo guur ku dhisan naga dhaxeeyey gabar aanu isku xaafad ahayn, guurka ku balanay.

Dalka dhibka ugu weyn ee haystay waxa uu ahaa Qaraxa kaas oo maalin kasta baabi'in jiray ummadii soomaaliyeed, dalku sidii la rabay muusan ahayn balse halka arin ee laga sinnaa waxay ahayd in inta yar ee dawladnimo la haysto aysan bur-burin oo ay sii joogto.

Dalka waxaa ka jiray shaqo la'aan ba'an oo guud ahaan dhalintii haysatay.
jaamacaddii markaan dhammeeyey, sidaan rabay wax umaysan dhicin, waxaan shaqo la'aan ahaa muddo labo sano ah oo aan maalin kasta meeshii shaqo laga sheego tagi jiray, sidoo kale go'aannadii adkaa ee aan qaatay waxaa kamid ahaa inaan gabadhii aanu xiriirka iyo sheekada wada lahayn aan dhahay waan iska kaa fasaxayaa waayo inaan waqti badan ka lumiyo maanan rabin anigoo ku xisaabtamaya in dumarku waqti ku socdo, anna guur lacag iyo tabar toona aan uhaynin.
balse iyadaa qof wanaagsan ahayd iiguna laab-qaboojisay inay isugayso waxa kaliya oo ay rabtana uu yahay aniga iyo inay xaaskayga noqoto.
aad baan ula dhacay fikirkaas iyo hadalkaas wanaagsan wuxuuna ahaa hadalkii iigu naxariista badnaa ee aan abid maqlo.

Qanaacada Qadarta waa shayga kaliya ee aad wax kasta kaga guulaysan karto, aniga wax shido iyo walaac midna iskuma beerin, nasiibkuna inuu ii soo hoyan doono ayaan aaminsanaa.
muddo kadib waxaan helay shaqo fiican oo mushahar fiican leh, qoyskayga iyo gabadhii aanu wada soconayba waa ay ku wada farxeen.dhowr bil kadib waxaan soo gunaanudnay xiriirkeenii jaceyl ee waqtiga badan inaga soo qaatay, waxaana guur urognay haasaawihii.
duco iyo marxabayn dad badan ay kasoo qaybgaleen, waxaa dhacay meherkeenii, waxaana si sharci ah unoqonay marwo iyo saygeedii.

Nasiib wanaag, xaajiyadaydii isla markiiba bushaaraa kasoo daahirtay oo waxaa caloosha galay ilmaheenii uhoreeyey.
waxaanu isu diyaarinay nolosha hooyo iyo aabbenimo, anagoo ahayn dad wax bartay, waxaanu aad ubaari jirnay qoraalada iyo buugaagta ka hadlaya Aabaha iyo Hooyada Wanaagsan iyo sida ugu fiican ee caruurta loo bar-baariyo.

Mudo kadib waxaa dunida kusoo biiray wiil yaroo qurux badan oo aad uqosol badan, gurigeeniina farxad kale ayaa kusoo biirtay. aniga dabeecad ahaan maanan ahayn qof maqaayadaha iyo baararka fariista oo ku shaaha waayo waxaan ogaa in gurigii ay igu sugayaan hooyo iyo wiilkeedii oo hammuun iyo hilow ii qaba, iskuna kay sii diyaariyey. marka sabab aan meel kale uu aadaaba maysan jirin, aniga qudhayda waan sii dharari jiray ileen wax laga ahaan karay maysan ahayne.

Anigoo noloshaas ku jira oo hilmaamay wax kasta oo caqabad nololeed ah kuna dhex jira boqortooyadaas quruxda badan ee aan boqorka ka ahaa ayaa waxaa dhacay...................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................................... !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Waxaa dhacday arinta meesha aan hada joogo ikeentay.

Waxaan ka imi shaqo, waxaana usoo dag-dagayey gurigaygii, wadaduna ciriiri iyo saxmad daran ayaa ka jirtay, anigoo la yaaban jaamka iyo ciriiriga wadada ka jira ayaa hal mar waxaa dhacay waxaan umaleeyey aduun-gadoonkii, oo dhulka miyaa idinla go'ay oo cirkii miyaa soo dumyey ayaan is dhahay, uuro iyo dab baa is qabsaday mise waa qarax weyn oo agtayda ka dhacay.
wixii qoran baa dhacayee, dadkii uhoreeyey ee goobtaas ku geeriyooda ayaan ku jiray.

Nasiib wanaag waa lay helay waana lay aasay, waa lay duugay la iina duceeyey in Alle meel san i mariyo waayo nin lagu gardaroodaan ahaye.

Aduun qiimo ma uu laha si kasta oo aad  uladnaato markay kuugu rayn-rayn badantahay ayaa laga yaabaa in waqtigu kuugu dhaco oo lagu kaxaysto sida igu dhacday oo kaleba waayo nin safar ahi oo meel kale usocda aanan aqoon halka loo soo jiro raaxadiisu wax micno ahi ma samaynayso.

Ugu dambayn Duco iyo dardaaran ayaan idin kaga tagayaa soomaaliyeey.

Aduun qiimo maleh oo ambiyadii ahlu-khayrka ahaa ayaa ka haajiray ee waqtiga aad joogtaan xalaal quuta aakhirana sahayd usoo qaata .
ducadana aan idin qadimee aamiinta dhaha.

Guud ahaan ummada soomaaliyeed waxaan Illaahay uga baryayaa in dhabaatooyinka haysta ka dul-qaado oo dagaalada iyo abaarahana idin kugu badalo amni iyo barwaaqo.cadaalad iyo xasilooni waartaa rabi baan idin kaga baryi, dambigaad illaahay ka gasheen rabi ha idinka cafiyo, gaboodfalada aad isu geysateen inaad iska saamaxdaan rabi ha idin haleeshiiyo, mas'uuliyiinta talada idiin haysana caadil iyo daacad rabi ha idin kaga dhigo, barwaaqada uu illaahay idin siiyeyna kuwii ka ku shugriya oo ka manaafacaadsado Allah idinka dhigo, cadowga aan nabadiina ogolayn rabi ha idinka qabto, kuwa walaalooba oo isu gar-gaara walaalahood kale ee muslimiinta ahana taakuleeya rabi ha idinka yeelo,Aakhirana Jannaa raaxo lehe rabi ha idin wada geliyo.

Aamiin..Aamiin..Aamiin..Aamiin..Aamiin..Aamiin..Aamiin..Aamiin..

Rajadii Xamar Ku Luntay!
Warqadii Xabaalaha ka timid
Walaalkiin Cartan

W/Q: MohamedShokri Osman









Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Agribusiness in Somalia.

Somali Youth in Agribusiness