Qiso wax weyn kaa badali doonto



Anigoo yar da'deeduna tahay 12-sano ayaan kasoo tagay tuuladii aan ku noolaa ee Xiindheere, Gobolka Galgaduud.

maanan aqoonin meel aan aado balse waxaan soo abaaray wadada weyn ee laamiga taas oo gawaarida xamuulka ah ay adeegsadaan, waxaan u imid niman uu gaari wadada uga halaabay kuna hawlan ka shaqayntiisa.
is waraysi kadib waxaan usheegay inaan xaafadaydii aan kasoo tagay meel kale oo aan aadana garanayn sidaas darteed aan go'aansaday inaan wadada weyn iska tago, durbadiibada raggii gaariga la joogay waxay ii sheegeen inay ikaxaynayaan oo aan gaariga kala shaqayn doono.
safarkii iigu horeeyey waxaan ku aaday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Puntland, hawl kalena maanan aqoonine waxaa la ii xil saaray inaan raashinka kariyo.
waqti badan oo aan gaariga ka shaqaynayey waxaa ii siyaaday waayo iyo khibrad aad ubadan oo aan helay weliba deegaano badan oo aan waligay maqal ayaan tagay, dal iyo dadba waan bartay ilaa iyo xad.

halka shay oo aan uga duwanaa raggii aan isla shaqaynaynay waxa ay ahayd balwad la'aanta waana shayga kaliya ee aan dhihi karo guulahaaga oo dhan bilaw ayey u ahayd, sidoo kale maadaama aysan jirin cid kale oo igu tiirsanayd lacagta aan shaqaysto inteeda badan waan aruursan oo kayd baan lahaa.
waqti badan oo aan gawaaridii xamuulka ah ka shaqaynayey waxaa shaqadeenii ku yimi culays sidaas darteed waxaan soo galay magaalada xamar oo shaqsiyan aan is lahaa fursado badan ayaa ka heli doontoo, isla markiiba waxaan bilaabay kaxaynta gawaarida waaweyn ee dhagaxa qaada ( waqtigan waxaan ahay darawal weyn oo baabuurta iyo hawlahooda si fiican ubartay).
xoogaa markaan shaqaynayey ayaa waxaa ii soo baxday inaan ubaahanahay inaan ka fikiro wax aan ahayn ka shaqaynta gawaarida waaweyn, isla markiiba waxaan go'aaansaday inaan kaydkaygii aan bal dib ugu laabto, illaahay mahadii lacagtii aan shaqanayey taniyo
12-jirkaygii waxay ii noqotay lacag dhan 7000$ ama todobo kun oo doolar.
waxaan ku iibsaday qaar kamid ah lacagti mooto bajaaj oo aad iminka ii jeedo inaan wadayo, Alxamdulilaahi sadex jeer ayey bajaajtan lacagtii lagu iibiyey soo celisay.
intaas markii uu nooga sheekeeyey ayaan aniga iyo sxbkay Abdifatah Bin Abdiaziz ku dhahnay waxaan kuu rajaynaynaa inaad mootadan aad hada wado aad ku badasho maraakiib iyo diyaarado insha Allah.
taasi waxay ahayd sheeko na dhexmartay anaga iyo wiil bajaajla ahaa oo shalay nasoo qaaday.
Qof kasta qiso gaar ah oo ayuu dunida ku leeyahay una baahan in lasoo bandhigo.

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.