Mashaariicda iyo Ganacsiyada yar-yar
Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin udirayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaana leeyahay Sanadguuro Wacan.
#1_da_Luuliyo
#Maalinta_Xuriyada
#Hambalyo
#1_da_Luuliyo
#Maalinta_Xuriyada
#Hambalyo
marka labaad waxaan halkan idin kugu soo gudbinayaa fariin gaaban oo aan is leeyahay dhalinyaradu wax uun way ka faa'iidayaan.
Dadka soomaaliyeed tirakoob ahaan waxaa la dhahaa waxay ubadanyihiin qiyaastii 70% dhalinyaro taas oo aad ka arki karto fagaarayaasha iyo meelaha ay dadku ku badanyihiin in inta badan ay dhalintu aad ucamiranyihiin sida hoteelada, garoomada,goobaha waxbarashada, masaajida iyo meelaha kale oo ay bulshadu isugu timaato.
sidoo kale waxaa si lixaad leh ubadanaya oo kordhaya dhalinta waxbaranaysa ama jaamiacadaha galaya iyo kuwa kasoo baxayaba taas oo ifinaysa yididiilo wanaagsan oo xaga aqoonta loo qaaday welibana reebi karta dhaxal fiican oo waqti kasta laga faa'iidaysan karo.
sidaas awgeed waxaa jira fursado aad ufiican oo ay dhalintu noloshooda iyo mida dadkooda iyo dalkoodaba ku badali karaan waa hadii ay si haboon maskaxda iyo cilmiga is kula kaashadaan.
labo qodob ayaan is leeyahay dhalintu haday xooga saarto wax badan ayey badali karaan, kan hore waa #1_Mashaariicda_YarYar.
mashaariicda yaryar waxay bilaw fiican unoqon karaan kuwo waaweyn waxaana is leeyahay bulsho ahaan kuwaas ayaaba faa'iido weyn noo keeni kara.
tusaale dhibaatooyin badan oo bulshadeena hasyta sida caafimaad darada iyo waxbarasho la'aanta, hadii qofku uu bilaabi mashruuc yar oo waxbarashada lagu hormarinayo, xaqiiqo waxaa ah in dad badan ay ka faa'iidaysan lahaayeen waayo waxaa jira caruur iyo dad badan oo aan helin fursadii ay wax ku baran lahaayeen, ugu yaraan toban arday hadaad macalin unoqotid ogow waxaad dhisaysaa mustaqbalka qoysas iyo bulsho aadan hada arkaynin.
tusaale dhibaatooyin badan oo bulshadeena hasyta sida caafimaad darada iyo waxbarasho la'aanta, hadii qofku uu bilaabi mashruuc yar oo waxbarashada lagu hormarinayo, xaqiiqo waxaa ah in dad badan ay ka faa'iidaysan lahaayeen waayo waxaa jira caruur iyo dad badan oo aan helin fursadii ay wax ku baran lahaayeen, ugu yaraan toban arday hadaad macalin unoqotid ogow waxaad dhisaysaa mustaqbalka qoysas iyo bulsho aadan hada arkaynin.
sidaas si la eg, magaalooyinka markaan ka tagno, tuulooyinka iyo miyiga dalkeena, dadka ku nool intooda badan ma haystaan adeegyada aas-aasiga ah ee nolosha amaba haday heli lahaayeen waxaa hor taagan jaahil aan danahooda ka fikirayn, bal mar tijaabi oo booqo tuulada aad kasoo jeedo kadibna indha-indhay caqabadaha dadka tuulada hasyto, xaqiiqo waxaa ah inaad xal helayso iyo weliba dad ku saacido insha Allah.
dadka qaar waxay mar-marsiyo ka dhigtaan mashaariicyada hay'ado waaweyn ayaa fulin kara oo aqoonsi iyo lacag haysta, taasna waa mar-marsiiyo aan marqaati haysan hadaanu rabno si dhab ah inaan dadkeena ugu adeegno.
tusaale kooban hadaan soo qaato, mar dhawayd waxaan aad ula socday xaalada dhalinyaro isu tagtay kuwaas oo sameeyey urur ay dadka ku caawinayaan, wax lacag ah maysan haynin bal'e aqoonsi xitaa ma haynin, waxooga tabarucaad aad uyar ayey bilaabeen inay bil kasta iska qaadaan ugu dambayn iyagoo jira wax ka yar 6-bilood waxay fuliyeen labo mashruuc oo yaryar markii lagu eego indhaha ha'adaha waaweyn balse aad ubaaxad weyn markii loo eego bulsho in wax uun loo qabto ubaahan.
marka ha dhayalsan awoodaada, aqoontaada, iyo kartida illaahay kugu beeray sidoo kale qof kaligiis ah waxaa ka fiican wadarta ama dadka badan waayo qof kaligiis wax ma dhaqaajin karo.
Aduunka maantay waxa kaliya ee ay dadku xooga saarayaan waa siday u ubuuran lahaayeen ganacsiyo si ay udareemaan xoriyad maaliyadeed, maalinba maalinta ka dambaysana waxaa soo ifbaxaya fursado ganacsi oo cusub kuwaas oo wax weyn kusoo kordhinaya adeegyada dadka dunida heystaan.
Erayga qalaad ee #Entrepreneur oo ganacsade la micno ahna maantay waxa uu noqday mid aad usoo badanaya isticmaalkiisa maadaama qof kasta oo doonayo inuu ganacsi uu isagu leeyahay samaysto looguna yeero #Entrepreneur.
wax weyn maaha inaad ganacsade hanti fiican leh noqotid balse waxaad kaliya ubaahantahay inaad waqti aad isla qaadato, ka fikirto ganacsiga ku haboon meesha aad dagantahay ama aad fursad ka abuuri karto, kadib qorshayso oo aad fulinta hawshas ku dhaqaaqdo.
dadka inta badan wax bilaw markaad dhahdo waxay ku weydiinayaan lacagta lagu bilaabayo hawshaas balse ogow hadaad baartid waxaad helaysaa malaayiin ganacsi oo lacago aad uyar lagu bilaabi karo xitaa laga yaabee lacagaha aad shaaha iyo coffee ku cabtid hadaad aruuriso dhowr bil inay bilaw fiican kuu noqon karaan.
milyineerada maanta dunida caanka ka ah hadaad akhriso meesha ay wax kasoo bilaabeen aad baad ula yaabaysaa waxaana laga yaabaa inaad dhahdo anigaaba ka fursad fiican kadib hareerahaaga markaad fiiriso iyo khayraadka aad heli karto sidaas darteed cidna yaysan ku niyad jabinin, hadaad niyada ku hayso fikrad ganacsi, qoraalkayga markaad dhamaysaba bilaw qorshaynta ganacsigaas waayo waxaa laga yaaba inaad ummada adeeg ka maqan uu maskaxdaada ku duuganayahay.
Fadlan wax kasta oo aad ubaahantahay inaad samayso dib ha udhiganin balse qorshee oo waqti sii.
Mahadsanidiin
W/Q: MohamedShokri Othman.
Comments
Post a Comment