Sidee Fall Armworm-ka loo xakameeyaa?



Jawaab:
Push-pull technology waa hab kamid ah hababka loo hakameeyo fall armyworm-ka sidoo kale waa istaraatiijiyad loo isticmaalo xakamaynta aafooyin badan sida; stem
borers, striga weed iyadoo sidaas le eg loo adeegsadaa in lagu diirad saaro baaba'a carada (soil degradation) kuwaas oo caqabado badan ku haya wax-soosaarka galayda ee qaarada Africa.
habka waxaa la adeegsanayaa dalag lala abuurayo galayda (intercrop) oo wax didinaya sida (Desmodium as a “push”) iyo dalag loo adeegsanayo in lagu dabo aafada sida (Napier/Brachiaria grass as a “pull”).
______________________________________________
cawska Napier ee lala abuuro galayda waxa uu udhaqmayaa sidan;
1- waxa uu soo jiidanayaa Fall armyworm-ka si uu ukunta udhigto,
2-balse ma ogolaanayo in dixriga/larvea-ha uu weynaado ama uu koro nafaqo xumo darteed.
sidaas si le eg Desmodium-ka lala abuuro galayda isna waxa uu udhaqmayaa sidatan;
1- waxa uu soo daynayaa waxyaalo kiikmikeed oo dabiici ah kuwaas kala didinaya cayayaankan Fall armyworm-ka.
2- sidoo kale waxa uu dhuuqayaa dareeraha xididka ku jira halkaas waxaa hakanaya koritaanka cayayaankan aafada ah.
3- waxa uu daboolayaa badka udhaxeeya dalaga galayda ah isaga oo cawska ka dilaya.
4-waxa uu carada ku nafaqaynayaa Nitrogen isaga oo ilaalinaya Qoyaanka Carada kana ilaalinaya carada inay nabaad guurto.
_____________________________________________
habkan Push-Pull-ka waa hab waxtar leh dhaqaale ahaan uhaboon beeralayda.
indho-indhayn lagu saameyey habkan iyo sida uu usaamaynayo cayayaanka Fall Armyworm-ka ayaa lagu ogaaday in 250 beeralay oo isugu jira keenyaati,Yugaandhees, iyo tanzaaniyaan-ba kuwaas oo adeegsaday habkan ay awood uyeesheen inay iska xakameeyaan cayayaankan hoos udhac weyna uu ku imaaday taranka cayayaanka gaar ahaan tirada dixriga/larvea-ha ee lagu arki jiray geedaha galayda ah.
______________________________________________
hadbkan hay'ada qaramada midoobay ee FAO ayaa Somalia ku tijaabisay beeralay shabeelada dhexe ku dhaqan, waana hab aad ugu fiican inay beeralaydu dabaqaan.
waxaan rajaynayaa inaad wax badan xogtan ka faa'iideen.
sii faafi walaal si ay dad badan xogtaan ugaarto.

Author
MohamedShokry

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Agribusiness in Somalia.

Somali Youth in Agribusiness