Sideen ubilaabi karaa Dhaqashada Shinida?
#iLaTali
Ugu horayn intaanan guda galin siyaabaha aad ku bilaabi karto dhaqashada shinida waxaan rabaa inaan kuu iftiimiyo maxaad ubaahantahay kahor gaaritaankaaga go'aankan gaacsiga shinida ah ee faa'iidada badan leh.
waxba yaanan qodobada kugu badinin balse wax kaliya ee aad ubaahantahay waa han iyo jaceyl ku aadan ganacsigaas waayo haday kaa tahay iska bilaw oo tijaabi wax micno ah ma samaynayso balse marka hore ogow xiiso iyo hanka aad uleedahay shini dhaqashada kadibna go'aan gaar oo hawsha ku dhaqaaq._____________________________________________
hadaad xiiso uqabto dhaqashada shinida iyo inaad la falgasho cayayaankan oo aad rabto inaad ogaato faa'iido intee la eg ayaad samayn kartaa, ogsoonow kaliya lacag ma samaynayside waxaaad sidoo kale qayb weyn oo lixaad leh ka qaadanaysaa hab beereedka deegaankaaga, waxaadna qancinaysaa balwadaada ganacsiyeed.
sidaas darteed waxba yaanan hadalka kugu badinine waxaan halkan kuugu soo gudbinaynaa qaabka ugu sahlan ee aad ganacsiga dhaqashada shinida ku bilaabi karto.
______________________________________________
marka hore ku bilaw ugu yaraan labo saxaaradood oo ah kuwa loogu talagalay dhaqashada shinida hadhowba badso hadaad rabto'e, sidoo kale waxaa muhiim ah inaad saxaarahadaas dhigto ama udhawayso meel ay ku badanyihiin ama ku yaalaan dhirta ubaxleyda ah taas oo shinida siiya maadooyinka ay malabka kasoo saarto.
meesha aad saxaarada dhigayso waa inay lahaataa hoos badan sida geedaha dushooda oo ay in ta badan beeralayda soomaaliyeed sameeyaan sidoo kale aagaas waa inuusan dabayl lahaanin, hana dhigin meelaha joogooda hooseeyo si loo yareeyo dhibaatada ay ugeysan karto dadka.
inta badan waxaa loogu talagalay halkii saxaaradba cadad shini ah oo gaaraya 9000 ilaa 22,000 waxaana suurogal ah inay deegaanka aad ku nooshahay uu ka duwanyahay macluumaadkan.
waxa ugu weyn waa dhamaan agabka ay saxaarada shinida ka koobantahay inay kuu dhanyihiin.
Lawadag asxbaataada Shini-Dhaqashada Jecel
Shinida malabka samaysa waxay soo saartaa Malab aad ubadan kaas oo hadii suuqgeyn fiican loo helo dhaxalsiin kara milkiilaha beerta shinida faa'iido lacageed oo aad ubadan.
1-Dooro Goob/meel ku haboon dhaqashada Shinida.
Doorashada Goob ku haboon dhaqashada Shinida waxay ka dhigantahay gaaritaanka guusha ugu horaysa ee ganacsigaaga, laba meelba waad ka samaysan guri-shiniyeedka sida banaanka dambe ee gurigaaga iyo hadaad beer leedahay taas oo ah habka ugu fiican.
______________________________________________
2-Dalbo Shinida lafteeda.
inta aad dalbanin boqortooyada shinida kahor, warayso deegaanka qofka ugu fiican ee shinida dhaqaaleeyo ama dadka deegaana ukeena kadib dalbo oo gado shinida badka-qabta si aad usii hawlgaliso ganacsigaaga.
3-soo iibso Qalabka Dhaqaalaynta Shinida
Ganacsi walba waxa uu leeyahay agab iyo waxyaabo ugaar ah, shinda dhaqaalaynteedana waxaa muhiim ah inaad hesho qalabka saxda ah ee loogu talagalay.
4- Xiro dharka gaarka ah ee shinida
waxaa muhiim inaad hesho dharka qaaska ee loogu talagalay shinida si aad uga badbaado waxyeelo kasta oo ka imaada shinida sida isku jooga cad iyo qalab madax la gashado oo wajiga wax laga arki karo sidoo kale ha hilmaamin inaad isticmaasho gacangashi ama Gloves Adag.
F.G qaybta xigta ee xogtan waxaan wax idin aga sheegi doonaa ubaxyada ay shinida jeceshahay, qalabka loo baahanyahay oo aan idin tusi doono iyo macluumaad intan ka siyaado ah
Mahadsanidiin
Comments
Post a Comment