Posts

Mashaariicda iyo Ganacsiyada yar-yar

Image
Marka hore waxaan hambalyo iyo bogaadin udirayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaana leeyahay Sanadguuro Wacan. # 1_da_Luuliyo # Maalinta_Xuriyada # Hambalyo marka labaad waxaan halkan idin kugu soo gudbinayaa fariin gaaban oo aan is leeyahay dhalinyaradu wax uun way ka faa'iidayaan. Dadka soomaaliyeed tirakoob ahaan waxaa la dhahaa waxay ubadanyihiin qiyaastii 70% dhalinyaro taas oo aad ka arki karto fagaarayaasha iyo meelaha ay dadku ku badanyihiin in inta badan ay dhalintu aad ucamiranyihiin sida hoteelada, garoomada,goobaha waxbarashada, masaajida iyo meelaha kale oo ay bulshadu isugu timaato. sidoo kale waxaa si lixaad leh ubadanaya oo kordhaya dhalinta waxbaranaysa ama jaamiacadaha galaya iyo kuwa kasoo baxayaba taas oo ifinaysa yididiilo wanaagsan oo xaga aqoonta loo qaaday welibana reebi karta dhaxal fiican oo waqti kasta laga faa'iidaysan karo. sidaas awgeed waxaa jira fursado aad ufiican oo ay dhalintu noloshooda iy...

Rajadii Xamar Ku Luntay!

Image
Rajadii Xamar Ku Luntay! Sheekadii Cartan. Warqadii xabaalaha ka timid. Marka hore salaanta islaamka ayaan ku salaamayaa qof kasta oo ay warqadani soo gaarto. Asalaamu Alaikum Warahmatulaahi Wabarakatuh Magacayga waa Cartan, waxaana kamid ahaa dhalinyarada ku nool magaalada ku muqdisho, tanina waa sheekhadayda. Hadaan kasoo bilaabo Bilawgii jiritaankayga iyo kusoo biiridaydii dunida, waxaan dhashay anigoo aan war ka haynin dalka iyo dadka aan ka dhalan doono balse hadii aan talo ku lahaan lahaa xiligi aan dhalanayo marnaba maan doorteen inaan xiligaas aan aduunka kusoo biiro balse dalkaan ka dhashay marnaba meel dunida kamid ahi kumaan badasheen waana wax rabi loogu shugriyo in aan somalia ka dhasho. Waxaan dhashay horaantii sagaashameeyadii waqti aanan ogeyn sida uu igu soo dhaweeyey dalkaygii iyo xaalka ay dadkaygii ku sugnaayeen. nasiibkaa sidaa iska ahaaye, waxaan dhashay xili dalkaygii xaalkiisu ay meel aad unaxdin badani maraysay, dadkaygiina ay dagaalo iyo ab...

My Quotes

Image
My Quotes Hadaladan xikmada iyo dhiirgelinta isugu jira waxaan ugu talo galay qof kasta oo aad xiiseeya akhrinta oraahyadan oo kale; 1 "Qofka wuxuu ogaal iyo, Aqoon ku dheeryahay, hadba intuu akhriskiyo, alifka ka adagyahay". ---M.Shokri 2 "I don't hesitate working on small projects because smaller projects lead me to bigger companies" --M.Shokri 3 "To start your day with some sort of work, enhances your well-being and provides you all day happiness" ---M.Shokri 4 "Waayihii tagee, taariikhda galay, haku lumin tamartee, timaadadiyo, tan taagan maantay, qorshahooda taabo-geli" --M.Shokri 5 "Hadba intaad naxariisataa laguu naxariistaa" --M.shokri

Fariin : Beerwalihii Baladul-Amiin.

Image
Fariin : Beerwalihii Baladul-Amiin. Magacaygu waa Ali, waxaan kamid ahay beeralayda soomaaliyeed, waxaana ku noolahay deegaanka Baladul-Amiin oo ku yaala gobolka shabeelaha hoose, koonfurta soomaaliya halkaas oo gurigayga iyo beertayduba isku meel kuwada yaalaan. Waxaan ahay xaasle, waxaana ii joogto shan caruur ah oo aan aad ujeclahay waxayna ka koobanyihiin 3 gabdhood iyo laba wiil, curadkaygu waa wiil 5 jir ah waxaana yaraan ii ah Salma oo lix bil jir ah, waxaana ku wada noolnahay aniga, xaaskayga iyo caruurtayduba farxad aan dhammaad lahayn. Beeruhu waa isha kaliya ee aan aniga iyo beeralayda deegaankayga aan ku tiirsannahay dhaqaalo ahaan.Beertayda qiyaas ahaan waa 7ha ama hektar (hectare: cabirka beeraha) taas oo aan ka dhaxlay aabahay. Taniyo waa horeba, waxaaanu tabcan jirnay khudaarta iyo dalaga bixitaankooda uu sahlanyahay kuwaas oo inta badan beeralayda yar-yar ay aad u beertaan waayo ma heli karaan dhaqaalo ay ku tacbadaan geed miroodyada iyo dalaga-d...

Faa'iidada ay leedahay in aroor hore hudada laga tooso.

Image
Faa'iidada ay leedahay in aroor hore hudada laga tooso. Aroor hore inaad kacdo waxay kamid tahay guulaha ugu horeeya ee aad maalinkaas gaarayso waayo waxaad isku diyaarinaysaa maalin aad rabto inay wax badan kuu qabsoomaan. hadaba halkan waxaan idin kugu soo gudbinayaa lix faa'iido oo ay leedahay in aroor hore hurdada laga kaco; ............................................................................................................................ 1-Cibaado mar kasta oo aad aroor hore kacdo waxaad diyaar unoqonaysaa inaad maalinkaaga ku bilawdo cibaadada Alle sida inaad salaada subax aad masjidka/guriga ku tukato, deetana aad tasbiix iyo quraan hadba midkaan doonto aad akhrisato duceysatana si maalinkaas aad guushiisa uhantiso sharka maalinkaas Eebbe kuu dhinac mariyo. ................................................................................................................................. 2-Wax-soosaarkaaga oo siyaada. subax hore inaad soo kacdo wax...

Tix Kooban: Ninka

Image
Tix Kooban: Ninka Gad-gadoonka waayaha, ninkaysan gelina uhiilin, ninka gurigii gubanahayoo, gacalna aan haysan, gudcur iyo abaariyo, ninka ciil la gaamuray, ninkay gaajadu dilootayoo, gasiina aan helin, ninka xaajadiisu guracantoo, gartiisu adkaatay, ninka gaal iyo islaamiyo, uumiyuhu wada gooyey, ninka ehelkiisu is wada gaadhayoo, gedi isu gaboodfalay, oo gogoshii nabadiyo diiday, xaajo gorfaynteed, ninka iyo ninkaas goohayoon, gaabsan baan ahaye, Guulow Allahayow, adigaan gacantayda kuu hoorsadaye, ha igefsiin maanta, oo geyigayga soomaali, guri barwaaqiyo, hoy lagu gam'iyo, ka yeel goobtii Nabada. Aamiin..... Aamiin.....Aamiin waxaa Qoray:  MohamedShokri Othman Date: 20/03/2019

Maanso: Qumantii Badweynta

Image
Maanso: Qumantii Badweynta Galab galbaha kamid ah baan aniga saaxiibkay  Abdifatah Abdiaziz Mohamud isu raacnay xeebta Liido ee Degmada Abdi-asis si aan nasiino yar iyo hawo fiicanba ugu soo qaadano. waxaanu tagnay mid kamid ah hotelada aagaas ku yaala, in cabaar markaan sheekaysanay waa iska galabe ayaanu shaah dalbanay, isla durbadiiba waxaa inoo yimid gabadh joog iyo jamaalba leh oo ixtiraam iyo weji furnaanta qalbiga jiiraysana ku darsatay, si aayar ayey dalabkii nooga qaaday adeegeenii si deg-deg ah baa naloogu keenay gabadha dhoola-cadeynteedii iyo soo dhawenteedi ayaaba wax loo dhigo lahayn wax kaleba daayoo, aniga iyo qof kasta oo halkaa joogayna inay iyada dalabka naga qaado ayaanu iska rabnay waa dareenka halkaas ka jiree. aniga shaqsiyan waan ogolaan waayey in gabadhaas ay dadka oo dhan adeeg ka qaado waayo ma mudnayn xaqiiqdii, doonistaydana ha iska ahaatee, waxay ila ahaatay in boqoradaas ay ahayd in iyada loo adeego. waxba yaan hadalka b...