Faa'iidada ay leedahay in aroor hore hudada laga tooso.

Aroor hore inaad kacdo waxay kamid tahay guulaha ugu horeeya ee aad maalinkaas gaarayso waayo waxaad isku diyaarinaysaa maalin aad rabto inay wax badan kuu qabsoomaan.
hadaba halkan waxaan idin kugu soo gudbinayaa lix faa'iido oo ay leedahay in aroor hore hurdada laga kaco;
............................................................................................................................

1-Cibaado
mar kasta oo aad aroor hore kacdo waxaad diyaar unoqonaysaa inaad maalinkaaga ku bilawdo cibaadada Alle sida inaad salaada subax aad masjidka/guriga ku tukato, deetana aad tasbiix iyo quraan hadba midkaan doonto aad akhrisato duceysatana si maalinkaas aad guushiisa uhantiso sharka maalinkaas Eebbe kuu dhinac mariyo.
.................................................................................................................................

2-Wax-soosaarkaaga oo siyaada.
subax hore inaad soo kacdo waxay ku siinaysaa bilaw fiican oo ku aadan hawlahaaga maalinkaas, marka laga soo tago inaad helayso waqti badan oo aad isugu diyaariso hawlahaaga maalinkaas, aroor hore soo kicida waxay kor uqaadaysaa inaad si dag-dag ah wax kasta ku dhamaysato.
Daraasad la sameeyey ayaa sheegaysa in qofka aroor hore hurdada ka toosa uu ka hawlkarsanaanayo qofka kale kale sidoo kalena waqti yar ay ku qaadanayso inuu hawlihiisa guto markii loo eego qofka hurdada ku daaha.
sidaas si lamid ah qofka hurdada aroor hore ka toosa wuxuu kaga fiicanyahay qofka kale;
1-Go'aan qaadashada,
2-qorshaha hawlaha iyo
3- gaarida yoolasha.
.................................................................................................................................
Daraasad la sameeyey ayaa sheegaysa in qofka aroor hore hurdada ka toosa uu ka hawlkarsanaanayo qofka kale kale sidoo kalena waqti yar ay ku qaadanayso inuu hawlihiisa guto markii loo eego qofka hurdada ku daaha.
sidaas si lamid ah qofka hurdada aroor hore ka toosa wuxuu kaga fiicanyahay qofka kale;
1-Go'aan qaadashada,
2-qorshaha hawlaha iyo
3- gaarida yoolasha.
.................................................................................................................................
3-Caafimaad maskaxda ah
hal faa'iido oo aad umuhiim ah oo ay leedahay aroor hore kicida waa yaraynta buuqa iyo walaaca qofka haysta. mar walba oo aad aroor hore kacdo waxay suulinaysaa inaad maalinkaaga ku bilawdo walwal sidoo kale waxay ku siinaysaa inaad farxad iyo niyadsami maalinkaas oo dhan aad laasinto.
.................................................................................................................................
.................................................................................................................................
4-Hurdo fiican oo tayo leh
dadka aroor hore toosayaasha had iyo goor ciyow ayey seexdaan. inaad aroor hore kacdo ma ahan wax aad si toos usamayn waydo kaliya waxay kaaga baahantahay inaad naftaada barto, tanina micnaheeda waxa weeye inaad hurdo kugu filan hesho taas oo keenaysa inaad la qabsato soo toosida aroor hore.
.................................................................................................................................
.................................................................................................................................
5-Buundo/Dhibco Fiican
cilmi-baadhis ay samaysay Jaamicada Texas ee dalka maraykanka ayaa shaacisay in ardada aroor hore toosayaasha ah ay ka dhibco fiicanyihiin kuwo hurdo-ku daahayaasha ah.
aroor hore kicitaankana inta badan qofka waxay dhaxalsiiyaan wax-soosaar fiican iyo hurdo raaxo leh oo ku filan.
.................................................................................................................................
aroor hore kicitaankana inta badan qofka waxay dhaxalsiiyaan wax-soosaar fiican iyo hurdo raaxo leh oo ku filan.
.................................................................................................................................
6- waayo qurxoon
dadka aroor hore toosayaasha ah waxay ka farxad badanyihiin mar kasta kuwa hurdo-ku daahayaasha ah weliba farxad waarta oo aan marnaba naaqusayn.
Gabo-Gabo
Lawadaag Asxaabtaada si ay aroor hore u toosaan
Mahadsanidiin

W/Q: MohamedShokri Othman
Comments
Post a Comment