Tix Kooban: Ninka

Tix Kooban: Ninka


Gad-gadoonka waayaha,
ninkaysan gelina uhiilin,
ninka gurigii gubanahayoo,
gacalna aan haysan,
gudcur iyo abaariyo,
ninka ciil la gaamuray,
ninkay gaajadu dilootayoo,
gasiina aan helin,
ninka xaajadiisu guracantoo,
gartiisu adkaatay,
ninka gaal iyo islaamiyo,
uumiyuhu wada gooyey,
ninka ehelkiisu is wada gaadhayoo,
gedi isu gaboodfalay,
oo gogoshii nabadiyo diiday,
xaajo gorfaynteed,
ninka iyo ninkaas goohayoon,
gaabsan baan ahaye,
Guulow Allahayow,
adigaan gacantayda kuu hoorsadaye,
ha igefsiin maanta,
oo geyigayga soomaali,
guri barwaaqiyo,
hoy lagu gam'iyo,
ka yeel goobtii Nabada.
Aamiin..... Aamiin.....Aamiin

waxaa Qoray: MohamedShokri Othman
Date: 20/03/2019

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Qumantii Badweynta

Xog ku Saabsan Biyo-Xireenkii Baardheere.