Maanso: Qumantii Badweynta
Maanso: Qumantii Badweynta
Galab galbaha kamid ah baan aniga saaxiibkay Abdifatah Abdiaziz Mohamudisu raacnay xeebta Liido ee Degmada Abdi-asis si aan nasiino yar iyo hawo fiicanba ugu soo qaadano.
waxaanu tagnay mid kamid ah hotelada aagaas ku yaala, in cabaar markaan sheekaysanay waa iska galabe ayaanu shaah dalbanay, isla durbadiiba waxaa inoo yimid gabadh joog iyo jamaalba leh oo ixtiraam iyo weji furnaanta qalbiga jiiraysana ku darsatay, si aayar ayey dalabkii nooga qaaday adeegeenii si deg-deg ah baa naloogu keenay
gabadha dhoola-cadeynteedii iyo soo dhawenteedi ayaaba wax loo dhigo lahayn wax kaleba daayoo, aniga iyo qof kasta oo halkaa joogayna inay iyada dalabka naga qaado ayaanu iska rabnay waa dareenka halkaas ka jiree.
aniga shaqsiyan waan ogolaan waayey in gabadhaas ay dadka oo dhan adeeg ka qaado waayo ma mudnayn xaqiiqdii, doonistaydana ha iska ahaatee, waxay ila ahaatay in boqoradaas ay ahayd in iyada loo adeego.
waxba yaan hadalka badine, maanso kooban oo aan dareenkayga ku cabirayo ayaan halkan kusoo gudbinayaa;
_________________________________________________
erayada waxay udhacayaan sidatan;
Maxaa adigoo qurayshiyo,
Qalanjadan qor-qoran ah,
Hablahaa qayrkaana,
Ku dhaafay quruxdiyo,
Talaabada qiyaasta leh.
Ku dhigay qarkaa badweyntiyo,
Qabowgan jaanoo,
Naftuba qaban Karin,
Oo ku yiri qidmeeyoo,
Hadba qofkii iyo,
Qoyskii yimaadana,
Dalabkay qadimaan,
Ka qaad adeegoo,
Uqorshee shaqaalaha,
Ha qabsoonto hawshuye,
_______________________
Qalanjadan qor-qoran ah,
Hablahaa qayrkaana,
Ku dhaafay quruxdiyo,
Talaabada qiyaasta leh.
Ku dhigay qarkaa badweyntiyo,
Qabowgan jaanoo,
Naftuba qaban Karin,
Oo ku yiri qidmeeyoo,
Hadba qofkii iyo,
Qoyskii yimaadana,
Dalabkay qadimaan,
Ka qaad adeegoo,
Uqorshee shaqaalaha,
Ha qabsoonto hawshuye,
_______________________
Inkastoo shaqadu qiimo iyo,
Qadarinba leedahay,
Oo baryada qayrkaa,
Kunjeer ka qurxoontahay,
Hadana damiirka iqasbayoo,
Waan kula qabweynee,
Halkan kuu quuri waa,
Qacdii hore iyo,
Indhahaygii ku qaayibaa,
Qalbiga la tashtoo,
Qumantii badweyntiyo,
Qaalidii dumarkaay,
Qudhaadaba ku qanacoo,
Caqligaygu qaadan waa,
Qoorigan inaad sii ahaato,
__________________________
Qadarinba leedahay,
Oo baryada qayrkaa,
Kunjeer ka qurxoontahay,
Hadana damiirka iqasbayoo,
Waan kula qabweynee,
Halkan kuu quuri waa,
Qacdii hore iyo,
Indhahaygii ku qaayibaa,
Qalbiga la tashtoo,
Qumantii badweyntiyo,
Qaalidii dumarkaay,
Qudhaadaba ku qanacoo,
Caqligaygu qaadan waa,
Qoorigan inaad sii ahaato,
__________________________
Balse qaladba ma lihidee,
Waxa qiiro jabka igu riday,
Waa qofka masuulkee,
Hawshan qabo kugu yiri,
Oo milgiyo qaayahaad lahayd,
Iska qubayoo qiran waa,
Ana qalinkiyo waraaqaha,
Kala qaadi waayoo,
dareenkaa ila qisaynoo,
qasri gaar ahoo,
ubaxyadu qotamanyihiin,
Boqortooyo qudha iyo
waxa mudantahay qoys,
dadabgal la qorsheeyiyo,
guurkii qarniga.
Waxa qiiro jabka igu riday,
Waa qofka masuulkee,
Hawshan qabo kugu yiri,
Oo milgiyo qaayahaad lahayd,
Iska qubayoo qiran waa,
Ana qalinkiyo waraaqaha,
Kala qaadi waayoo,
dareenkaa ila qisaynoo,
qasri gaar ahoo,
ubaxyadu qotamanyihiin,
Boqortooyo qudha iyo
waxa mudantahay qoys,
dadabgal la qorsheeyiyo,
guurkii qarniga.
Mahadsanidiin
Comments
Post a Comment