Posts

Maanso: Saaxiibkay Wehliye

Image
Maanso: saaxiibkay Wehliye maansadan waxaan utiriyey saaxiib kamid ah saaxiibada aan isugu dhawnahay waqtina wada joognay balse aan kala irdhawnay isagana uu ku laabtay magaaladii uu kusoo bar-baaray ee kismayo ana xamar aan joogay sidaas darteed erayadan isagana ku socdee; waxaana tiriyey 4 may 2018, erayaduna waa kuwan: Wehliyow Waayadan, Waan isu War la'aynee, Weedhihii wacnaa, Baryo maynaan wadaagine, Bartii wadahadalkiyo, Isku wareysan jirnay, Saakay wayna waysantee, Xamartii weynayd baan, Kaaga Soo waramayaaye, Waaberi iyo wardhiigley, Ilaa waxar cadaha fog, Wadadii wadnihiyo, Wadajir salkeedii, Waqal baa uda'ayoo, Nabad bay waarayaan, Reerku waa waanagsanyahaye, Bal adna waranoo, Wadankii kismaayiyo, Warihii jubba iyo, Warsan afmadow, Goobweynta wabigiyo, Wadarisay badweyntana, Gedi bulshadii waamo, Sidee weeye warkoodu? Wawga maansada, Waxba yaanan wadine, Wehel rumaad saaxiibiyo, Walaalkay baad ahayd...

Qormo: Xiriir noocee ah ayaanu leenahay aniga iyo Macalinkayga?

Image
Dhab ahaan waxbarida caruurta waa shay aad umuhiim ah oo qof weliba ku fikiro gaar ahaan waalidinta iyo macalimIinta. hooyo iyo aabe walba waxay aad ugu mashquulaan sida ay caruurtooda wax ku baran lahaayeen si ay nolol aayatiin fiican leh ugu noolaadan isla sidaase macalinkuna waxa uu waqti badan ku bixiyaa sida ardadiisa uu  wax ubari lahaa. lkn hal arin oo muhiiim ah ayaa jira oo ka wada maqan siday aniga ila tahay waalidinta iyo macalimiinta soomaaliyeed. waana su'aasha ah "sida caruurta yari ay wax ku baran karaan" oo ay ila tahay inaan wax badan laga fikirin?" way dhacdaa in caruurta loo diyaariyo dhammaan wixi ka saacidi lahaa waxbarashadiisa sida schoolki,qalabki waxbarasho iyo macaliminti wax bari lahaydba. lkn inta badan laguma dadaalo sida loo abuuri lahaa (xiriir iyo is fahan) ka dhexeeya ardayga iyo macalinka taas oo wax ka badan ka badali lahayd hanaanka waxbarasho ee haysata caruurteena. su'aal kale, "horta ardayga wax maka karaa...

Maanso: Talo-isasiin nafeed

Image
Maanso: Talo-isasiin nafeed "Waqtiyada qaar waxaa dhacda inaad nafsadaada la hadasho si waxa aad waqtigaas dareemayso aad uga nafisto. hadaba adigoo waxyaabaha qaar saluugsan hadaad isla hadli lahayd maxaad ku oran lahayd naftaada. waxaan tiriyey maasadan waqti ay wax badan iga qaldanaayeen balse markii aan tiriyey aan aad uxasilay. erayadana sidatan ayey udhacayaan; Naftu samir kaasho bay ku tiri, Karti dulqaado bay ku tiri, abuur kalsooni bay ku tiri, kifaaxa raadi bay ku tiri, kasbo khibraday ku tiri, kordhi aqoontay ku tiri, kalsan noolow bay ku tiri, kasmo dadaal bay ku tiri, kurbada jooji bay ku tiri, kadabjar walaacay ku tiri, kaalmayso wanaagay ku tiri, ukac cibaadaday ku tiri, kalah salaaday ku tiri, kumi sadaqo baxsay ku tiri, kaaftoon intaad haysatay ku tiri, ukaydso beri bay ku tiri, kaasho dhaqansan bay ku tiri, kaalin waxtara noqoy ku tiri, koboc bulsho noqoy ku tiri, kan xumida keebka kugu rogana, kaalay cafis dheh bay ku tiri, kow unoqo asaagaa b...

Maanso: Alepo

Image
Maanso: Alepo Maansadan waxaan alifay xili ay dalka syria ay dagaalo ba'an ka jireen, waxaana kusoo hadal-qabsaday wiil aan saaxiibo nahay oo Cabdifitah la dhaho. Erayada maansada sidan ayey udhacayaan; Ma Abtirin cabdow waayadan,  Ereygii maanso'e. Alifkii ka tagayoo,  Geesmaray aaladiiye. Balse waxaan aamusaba, maantay waan afmaalayaaye, Adkaysan waayoo hurdada, waan asqaysnahaye, Uurkaa idamqanaya, Sidan aafaysnahaye, Ehelkii suuriyiyo, Aqrabadii Alepo (xalab) baa arkaa, Oofaha la goynayee, Xasuuqiyo ibtilaa ka socota, Aleyl iyo maaline, Unuunka la jarayaa, Ubax caruurtii dheh, Umal baa uwada suran, Amal hooyooyinkii dheh, Looma aabayeelin gedi, Asal sunigii dheh, Ilmaa Hooraysa, Albaabadii Idlib dheh, Asad shiiciyo, Gaalo Arxan la'baa, Adhaxda gooyey halyeeyadiiye, Umadiina qax loo igmayoo, dacalada aduun aadeene, Idin mee dunidii islaamikiyo, Ummadii Muxamadeey, Idin mee isirkii carabtiyo, Usradii khalijkaay, Aadanaha kuwii udoodijiriyo, idin mee aduunya...

Maanso: Dacwo

Image
Maanso: Dacwo. Erayada maansadan sidan ayey udhacayaan; Nimanyahow Dacwaan ahiyo, Nin dood weyn qaba’e, Dibnahaygii daboolnaa, Maantay waan daah rogiye Arimo door ahoon ku daalay baan, Idin wada dareensiine. Damiin dhoohan mooyee, Dabuubtaydu way idin deeqiye, Dadkoo idil baa ku diirsan iyo, Wixii duul islaam ahe, Dhalintuna ha daawato oo, Maanka haku daabacaane, Da’yartii dalkaan arkaa, Inay dulli dan moodeene, Akhlaaqdii dahabka ahayd, Waa kuwaa kasii didaya’e, Dhaqan gaalo oo daciifa bay Ku dayanayaane, Raggii dharkoodii baa lagu diray, Oo dagaal bay ku jiraane, Surwaalkii daafaha baridiyo, Bawdyahuu kasii dagtaye, Oo cawradii daboolnayd, Waa kuwaa dibada soo dhigaye, Balse waxay iigu darnayd, Kolkay suuqyadii udareereene, Oo bacihii daabusheen Sidii dooni ganacsiya’e, Hablihiina kama duwana, Waaba ay kasii daranyihiine, Iyaguna jirkoodii baa lagu diray, oo way is wada diirayaane, Damiirkii baa ka dhintoo, La waa mid lala dadabgalo'e, Oo doqon baa madow bay, Dood ka...

Maanso: Ubad.

Image
Maanso: Ubad Erayadan sidan ayey udhacayaa: Ubadka iyo Dhalaanka, Arsaaqda Eebbe weeyoo, Uumiyaha la siiyee, iLqabowsi gaar ahiyo, Aduun Nimcadiisiyo, Aflaxaada Qosykiyo, Aas-aaska noloshiyo, Abshir weeyee Ogaada. 👶 Marna waa Amaaniyo, Mas'uuliyada Adagoo, Rabi idinku Eegiye, Sidaad ababintoodiyo, Aayahooda ka yeeli, 👶 Kol hadaad Asluubiyo, Akhlaaqdooda Toosisoo, Asarkii Islaamkiyo, Diinteena Asalka ah, Oogida Salaadiyo, Sadaqada Ajarka leh, oo aad Aqriskiyo qoraalka, Aqoontooda abaabusho, inay Intifaac rasmiyo, ku adeeci doonaan, waa arin la hubo'e, Ubadka Aayahooda, Abid Agaasima Aadanow. W/Q:  MohamedShokri Osman  

maanso kooban: Jaceylkii hal-haleelka

Image
Maanso kooban: Jaceylkii hal-haleelka Qiso kamid ah qisooyinka qalbiga xiriirka la leh (matters of the heart  ❤ ) oo uu iigaga qiseeyey mid kamid ah asxaabtayda kadibna aan ubixiyey (Jaceylkii Hal-haleelka) ayey ila ahaan wayday inaan afka ka xirto. Deetana halkan waxaan idin kula wadaagayaa erayo kooban oo aan qisadaas ku cabiray. #Jaceylkii  Hal-haleelka  ❤ Erayadiina waa kuwan ee ka bogasho wacan. Muxuu hanad haldoor ahi, Waayuhu ka hiilshay, Maxay habeeno badan hawshii, Hareer martay abaartii, Maxaa Hodanoo haa tiri, Hawraarsanyahay hadafkeedu, Hantiyey laguu heli waayey, ❤ Rajaa la heybsadaaye, Hoodadiyo nasiibka, Mar uun way ku hareero joogi, Hamigaad shalay lahaydiyo, Ubaxii haraadka qabay, Mar uun mahiigaan waa uhoori, ❤ Haboontaad ku hawshootay, Waayo badan haybinaysay, Mar uun ishaadu way halacsanoo, Hoy lagu hadhsadiyo, Qoys waad wada hogaamin, Weynaa wax hagaajee, Baryadiisa yay kula hawlyaraan. Insha Allah. W/Q:  MohamedShokri Osma...