Safarkaygii Kampala ilaa Nairobi

Safarkaygii Kampala ilaa Nairobi. Taariikh Kooban. Ugu horeyn magaca Allah(sw) ayaa ku bilaabayaa ,marka xigta waxaan jeclayahay inaan ka qiseeyo taariikh iyo marxalad kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee isoo maray noloshayda intaan jiray gaar ahaam mar aan tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kana soo baxay kampala,Uganda. Kahor intaan iman Nairobi waxaan gaari kamid ah gawaarida yar-yar ee qaada 5ta ruux kusoo raacnay ilaa 7da qofood inagoo kasoo baxnay magaalada Kampala ee dalka Udanda . Waxaa jirtay cabsi xaga xuduudaha ah iyo sida laysaga gudbayo labada dal waayo ciidanka dalka Kenya ayaa baaritaano culus waday inana si bilaa sharci ah ayaanu kaga gudbaynay soohdinta oo aynu ku galaynay dalka Kenya. Wal-walka iyo walbahaarkuba wuxuu bilawday kadib markii darawilkii Somaliga ahaa uu nagu wareejiyey kuwo madow Ugandhees ah oo aan midab,diin,dhaqan,luuqad iyo dhalashaba wadaagin. Intaa kadib waxaa sii lixaadsaday cabsidii waayo waxaan ka leexanay wadadii w...