Maytka Mediteranean-ka iyo macaashka yurub ayamaa mudan?
Maytka Mediteranean-ka iyo macaashka Yurub ayamaa Mudan?
Bur-burkii dawladnimo ee Libya markuu daaqada
ka baxay ee nabadii liibiyaanku haysteen noqotay mid wax layska weydiiyo oo
xididada loo siibay xukunkii kalagii-taliska ahaaye ee Mucamar al-Qadafi ayaa waxaa aad usoo
badanayey qaxootiga bilaa sharciga ahee uhanqaltaagaya inay bada halista ah ee
mediteranian-ka intay ka gudbaan qaarada yurub utalaabaan.
Maleeshiyaatka la wareegay xukunka dalka
Libya ayaa mid weliba rabitaankiisa gaarka ah siduu rabo u fuliyaa, hubkii ay
dawladu lahaydna iyagaa la wareegay.
Qaar kamid ah maleeshiyaatkaas aadka
uhubaysan ayaa bilaabay ka ganacsiga dadka tahriib doonayaasha ah iyagoo lacago
aad ubadan ka sameeya welibana fududeeyey tahriibkii dhibka iyo shidadii markii
hore laga mari jiray(Waa markay dawlada ka jirtee).
Mogadishu oo ah caasimada Somalia ayaa waxaa
aad ugu soo badanaya mudooyinkan dadka tahriib doonayaasha ah qaasatan dhalinta
oo hayaan aan ujeed fog ku dhisnayn ku dhaqaaqaya.
Si xad dhaaf ah ayuu usaamaynayaa tahriibka dhammaan
bulshada qaybaheeda kala gedisan iyadoo xitaa aad la yaabayso waqtiyada qaar
markaad aragto caruur aad uda’yar oo tahriibayaasha qayba ka ah ku darsee
mucjiasada kale ayaa waxay tahay in xitaa tahriibku uu saameeyey sabi aanan weli dhalanin iyadoo haweenka tahriibee
uurka leh ay xitaa unixi waayeen uurku jiraha yaree Allah uu ka beeray ilaaliska gaarka ahna
ubaahi qabay.
Dhibaatooyinka wajaha dadka tahriibayaasha
kama bilaabato kaliya markay dalka ka baxaan balse waxaa jira shirkado ama
qawlaysato soomaali ah oo tahriibayaasha ufududeeya talaabada xun ee tahriibka
iyagoo ilaalsada qarashaadka ay ka helayaan dadkan ay bilaa sharciga intay
wadooyin qardo jeex ah mariyaan dalal shisheeye ku geliyaan.
Waxaa jira shabakado aad ubadan oo min
Somalia ilaa Libya isku xiran una samaysan qaab ka ganacsi dadka tahriibaya amaba
waxa afka qalaad lagu yiraahdo(human traffickers) iyago lacago aad ubadan ku hela hawshan cidii
aanan bixina ay dilaan ama tacadiyo aad Qatar u ah kula kacaan.
Shirkadaha soomaalida ah ee maangaabka bilaa
damiirka ah ayaa waxay saaxiin kula yihiin arxanlaawayaasha shisheeye
tahriibinta iyo qatargelinta dadkooda si gaarh dhalinta oo ah ubixii
mustqabalka ahaa iyagoo dhofinaya udbihii iyo xoogii ummada soomaaliyeed iyo
dalka somaliyaba.
Dhibaatoyinka dadka iyo dalka ku dhacay
kaliya maaha colaad iyo abaar balse dhaawac aanan go’ayn ilaa hada waxaa
shacabka soomaalliyeed ku haya kooxaha qawlaysatada dantooda eeganaya caruurtii
iyo dhalintii soomaaliyeedna badaha iyo saxaraha shisheeye ku laynaya.
Maah-maah soomaaliyed ayaa waxaya ahayd(isma dhaanto iyo dhasheedii) oo
ay usoo qaataan markay arkaan labo arin ama kooxood oo aanan is doorin ku
darsee kooxi qasad iyo maangaabnimo xumaan kula kacayso kooxda kale iyagoo kuwa hoga loo
maleegayo aysan ka warhayn dabkay baxaya balse ay dan iyo dahan ka qarsoonaa
moodayaan.
Illaahay(sw) wuxuu ku karaameeyey
bini’aadamka arimo badan ee uu kaga duway xaywaanda kale ee nool.
Waxbo yaana tusaalooyinka badin,kaliya aan
soo qaato maskaxda iyo caqliga Allah uu ku manaystay inamada aadam.
Basharka ayaa u abuuran ka faa’iidaysiga
caqliga iyo maanga Allah uu siiyey welibana ku xaliya dhibka iyo caqabadaha
nololeed ee lasoo darsa,iskuna weydiiya su’aalao deetana in cabaar ah oo fikir
iyo faq hoose ah jawaab saxan uhela.
Go’aan qurxoon ku gaara, xirafad kala
doorasho iyo isbar-bardhig arimo badan.
Sidoo kale waxaa hubaal in bini’aadamka uu
caqliga allah uu siiyey kaga badbaado waxyaabao badan oo aysan ka nabadgalayn
xaywaanada kale ee aan caqliga usaaxiibka ahayn waa haduu si dhab uga
faa’aadaysto e.
Waayadatan sidii dalku nabad bilawga ah
uhelayba ayaa waxaa soo banayey dadkii qurbejoogtaa ahaa oo wadanka dib ugu soo
laabanaya,qaar wadan jaceyl iyo dhismaha dalka qayb ka aha iyo kuwo dao gaar ah
usoo laabtay.
Waxaase ugu daran kuwa uga dhigaya ummada iyo
dhalinta soomaaliyeed meelihi ay ka imaadeen meel sinaba aanan looga maarmayn
kana fiican dalka Somalia dhinac weliba.
Hadalada xaqiiqada ka fog ayaa ku dhalisay in
badan oo markii horeba tahriibka iyo qul-qulkiii tahriibayaasha ee Talyaaniga
maankooda ka buuxay inay Iyana imanakadan ay din ucusboonaysiiyaan hankoodii
hore weliba(muqdishaan xaalka ka jiraan ka hadlayaaye) waxaad maqlaysaa markaad
tagto meelaha dhalintu isugu timaado iyagoo salka safarkooda bilaa ujeedka ah
ka dhiganaya hadalo ay ku sharciyeysanayaan tahriibka.
Waxaa kamid ah hadaladaas( tahriibayaasha
manta waa qurbe-joogta beri),waa tiraab aanan sax ahay iyo waran meel madow oo
mutaxan lagu tuuray,waayo inaad tahriibto kama dhigna inaad badbaadayso ama
badqabka tahriibkaagu uu hubaal yahay.
Tahriibku wa wado aanan la ogayn waxa ka
imaanaya mana jirto damaanad buuxdo oo lagu kalsoonaan karo.
Intooda badan(waa tahriibayaashee) Europe bay
inay tahay abaarta sugan iyo barta nolosha iyagoo iska indhotiraya;
Ø Dhimashada.
Ø Xariga.
Ø Dhaca.
Ø Qafaalashada.
Ø Madax furashada loo geysto oo kumanaan Dollar
lagu bixiyo sii daytooda.
Ø Kufsiga
laguka kaco qaar ka mid ah haweenka dhalinta ah.
Iyo aragtidayda
midka ugu daran iigula muuqday oo ah
In loo
isticmaalo xubnahooda spare-parts bini’aadamka oo laga baxsado xubnaha ugu
qaalisan.
Qoraa:
Mohamed Osman Abdulkadir
+252616002014
mohamedshukri2@gmail.com
Mogadishu-Somalia
Comments
Post a Comment