Wadankii la
dhihi jiray somalia
(jumlad iga yaabisay).
waqti waqtiyada kamid ah anigoo
akhrinaya bug kamid ah buugaagta afka soomaaliga ku qoran ayaan ku arkay jumlad aan aad ula
yaabay oo aan fahmi waayey waxa qoruhu uu ugala jeeday ,waxay noqotay arin maalmo
badan aan maankayga ka go’in inaan su’aalo badan iska weydiiyana ay igu
dhalisay.
Su’aalahaan isweydiiyey ayaa waxaa kamid
ahaa anigoo ku sugnaa magaalada madaxda dalkeena soomaaliya ee Muqdishu, “hada
xagee joogtaa?, ma dal aan soomaaliya ahayn ayaad ku nooshahay oo dalkaad ku
nooshahayse maxaa la yiraahdaa? Dadkuse miyeysan dadkaagi ahayn oo soomaaliba
maaha miyaa?
Wuxuu doonaba qoruhu ha uga
jeedee,su’aalaha ka sokow waxaa ii soo baxday bal inaan si dhab ah ufaaqido
jumlada ah (wadankii la dhihi jiray Soomaaliya) anigoo isaga tagay a ujeedka
aanan fahmin ee qoruhu watay.
Waxaan aad uga fakaray anigoo ku
dabaqaya jumladaas aan kor ku sheegay xaalada dalkeenu ku jiro waa haatane iyo
nidaamyada igula muuqda kuwo aanan ku haboonayn dal iyo dad sida dadkeena iyo
dalkeena ah.
Aan gunta hoose udhaadhaco waxaan kala
jeedaa nidaamka (federalism-ka) oo laga hirgelinayo qaybihii haray ee dhulka
Soomaaliya iyadoo kuwii horay nidaamkaas urabay ay utahay il-guul bidhaameed oo
(waa sidaan rabayoo si lagu daray).
Mar walba waxaan maqalnaa Soomaalida waa
ummad isku dal,diin,dad iyo dhaqanba ah oo aan lakala sooci Karin iyadu inay
isa soocdo mooyaane,balse wixii horeba waxbaa ka dambeeyey oo arin aanan la
filayn ayaa ummadii ku habsatay weliba loo qurxiyey iyaguna dan moodeen.
Dad badan ayaa macquul ah inay maanka ku
hayaan shanti Soomaali oo dib isu hanata,astaantii midnimo oo soomaalida lagu
yaqaanayna dib usoo bandhigta balse sow naxdin iyo mucjiso kuma noqonayso
markay maqlaan labadii hartay ayaaba shan iyo dheeraad loo kala qaybiyey.
Dalkeena oo in cabaarba ah xaalad dagaal
iyo dar xumaba isaga jiray ayaa dhibaatooyinka ku dhacay ka sokow waxaa walbaba
uga darnaaday dadkii soomaaliyeed oo intay iska neceen magacyo kale ka
samaystay iyadoo waqtiyada qaarkiis xitaa ay dhacdo in dad dhalasho ahaan
soomaali ah (sow soomaali matihiin )markii la yiraahdo ay caroodaan dalkiina ay
arintaas sharaf xumo baday ceebna uu meel la istaago la’yahay isagoo (waa
dalkee) dalalka kale ee caalamka yaxyax dartiis waxyaabo kaga haray oo waayo
dal dadkiisuba dayaceen cid danaynaysaa
ma jirto.
Waxba yaanan hadalka badin oo hadii
labadii qaybood ee soo hartay ay ku qanacsanyihin inay dhul iyo dad ahaan ukala
tagaan miyeysan jumlada iga yaabisay aysan iga saxsanayn oo waxaan la yaababa majiraan
inaan rumaystaa waa dhab.
Tusaalayaal nool, burburkii markuu
dhacay deegaanada wuqooyi ee Soomaaliya waxay ku dhawaaqeen madaxbanaani iyo
inay ka go’een intii kale ee soomaaliya baxsadeena (Somaliland).
Arintaas mid ka duwan ismaamul
goboleedyo ayaa Iyana hirgalay oo deegaano kale ka askummay iyadoo maamuladaas
sida (Somaliland) aysan shaacinin madaxbanaani iyo ka go’itaan balse magaca
ayey Iyana badasheen sida maamul goboleedka (Puntland),(Galmudug) iyo (xibin
iyo xeeb).
Waxaase wax kasta ka daran in mid weliba
uu samaystay calan iyo astaan ugaar ah oo ka duwan astantii qaranka
Soomaaliyeed.
Ku darsee madaxweynayaal ayuu mid weliba
samaystay ummadiina waxay noqdeen inay goboladooda u ekaadeen,nin welibana ee
gobolkiisa muwaadin uyahay.
Waxaa meesha ka baxay magacii ummada
Soomaaliyeed balse baxyee maxaa badalay?
Waxaa badalay ummad aanan is rabin iyo
gobol jcelaysi ummad maankoodu buuxiyey.
Waxaad maqlaysaa muwaadiniinta iyo madaxweynaha
maamul X oo dhigooda muwaadiniiinta iyo madaxweynaha maamul Y ku soo dhaweeyey
xarunta maamul X.
Si walbo oo wax isku badalaan intaas
oodhanba waxaa ka darnaaday markii lagu taliyey in Soomaalida nidaamka federalism-ka
lagu dabaqo oo lakala geeyo markii horaaba la rabin soomaali midowda oo dib
isugu soo laabata.
Waqtiga hada la joogo federalism-ka inta laga hirgeliyey iyo kuwa gooni isu taaga
jeclaadayba Soomaaliya wax ka hoos dhashay maamulo dano gaar ah laga leeyahay.
Aan idin tusaaleeyo maamuladaas;
v
Somaliland
oo gooni isu taagtay.
v
Puntland.
v
Jubbaland.
v
Koonfur
galbeed soomaaliya.
vGalgaduud
iyo mudug.
Iyo gobolada hiiraan iyo shebeelada dhexe oo
iyaguna lagu tala jiro in maamul loo sameeyo.
qormadan waxay ahayd sanadkii 2015 bishii April 28
Comments
Post a Comment