Safarkaygii Kampala ilaa Nairobi

Safarkaygii Kampala ilaa Nairobi.

Taariikh Kooban.

Ugu horeyn magaca Allah(sw) ayaa ku bilaabayaa ,marka xigta waxaan jeclayahay inaan ka qiseeyo taariikh iyo marxalad kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee isoo maray noloshayda intaan jiray gaar ahaam mar aan tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kana soo baxay kampala,Uganda.


Kahor intaan iman Nairobi waxaan gaari kamid ah gawaarida yar-yar ee qaada 5ta ruux kusoo raacnay ilaa 7da qofood inagoo kasoo baxnay magaalada Kampala ee dalka Udanda .

Waxaa jirtay cabsi xaga xuduudaha ah iyo sida laysaga gudbayo labada dal waayo ciidanka dalka Kenya ayaa baaritaano culus waday inana si bilaa sharci ah ayaanu kaga gudbaynay soohdinta oo aynu ku galaynay dalka Kenya.

Wal-walka iyo walbahaarkuba wuxuu bilawday kadib markii darawilkii Somaliga ahaa uu nagu wareejiyey kuwo madow Ugandhees ah oo aan midab,diin,dhaqan,luuqad iyo dhalashaba wadaagin.

Intaa kadib waxaa sii lixaadsaday cabsidii waayo waxaan ka leexanay wadadii waynayd inagoo bartanka kaga dhacnay dhabo qardo jeex ah oo aysan baabuuri isticmaalin marka laga reebo bahalada duurjoogta ah iyo kuwii ugaarsanayey.

Aniga shaqsi ahaan waxay ii ahayd dareen iyo wacyi gaar ah waayo waa markaygii iigu horeysay oo an safar labo dal isaga gudbo,waxaa jirtay shaki xaga ciidanka ah ,cid weliba oo inaga mid ahina dareen gaar ah ayaa laabtiisa ku beernaa oo ahaa goorta uu gaarayno Nairobi gaar ahaan xaafada Somalida ee Eastleight.

Habeenkii oo dhan waxaan kusoo jirnay dhul geeri go’an ah,mugdiga iyo shanqarta bahalkuna ay mataano hal hooyo isku dhashay yihiin.
Waagu markuu dilaacay ayanu helnay xoogaa nafis iyo naxariis ah,qof walba oo inaga mid ahi indhaha ayaa isku dhagay hurdo darteeed,markaan Kenya so galnay ayaan ku baraarugnay baabuur ya-yar iyo kuwo xamuuul ah oo marba gees noo dhaafaya,subaxaas circa waxaa ku shareernaa ceeryaamo roobeed inkastoo wax weliba midabkooda saxda ah la arkayey.

Waxaan soo gudubnay dhawr magaalo sida; Busia,Eldoret,Molo iyo Nakuru oo aan kazoo quraacanay inta waxaa raacay gaariga ayaa ugu yaraan 5-6jeer wadada mar meel nooga halaabayey,samayntiisa iyo ka shqayntiisana ay waqti naga qaadanaysay.


Waxa iigu yaabka badnaa ee aan Kenya kala kulmay waxaa kamid ah(Qabow jira iyadoo qoraxi soo jeedo)oo aan layaabana gaariga gudihiisa intaan ku jiray iyo sababta dadka jaakadaha iyo dharka culus usitaan,…dhawr daqiiqo kadib yaabkaygii waxaa iga shaafiyey mar gaarigii aan lasocday uu naga halaabay kadibna aan soo degnay,in cabaar ah markaan dibada joogay ayaa qabowga dartiis waxaan dareemay dharkii an watay oo wada qoyey……

Ugu dambayntii waxaan soo gaaray magaalada Nairobi gaar ahaan Eastlieght goor ay qoraxdu sii galbatay…..

Mohamed Osman Abdulkadir
+252616002014
mohamedshukri2@gmail.com
Mogadishu-Somalia

Comments

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Agribusiness in Somalia.

Somali Youth in Agribusiness