Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy. . waxaan rabaa inaan soo gudbiyo maanso ku saabsan aduunyada sida ay iila muuqato, maansadan waxaan tiriyey sanadkii 2015 erayada maansadana waa sidan; Goblan talo aduunyoy, ma aakhir gaba-gabiyo, asalkaagiyo aayihii, waxaad ayaamo ahayd, miyaa idlaadoo, eegan abyamay, mise amuuro dhowroo, weli kuu aasanoo, la abaarin baa jira, aniguse abla-ableeyoo, akhbaartaada guud, gun iyo baar u abtiriyey, Awal hore waxaad joogtiyo, aakhiru sabaanki weeyee, diinteenu adkaysoo, astaantaada guud baa, kitaabada ku astaysan, ibtilaa waxay tahay, faxshi lagu abaaboo, loo wada ardaa tag, uumiyuhu xishoon waa, aayadii Illaahiyo, axaadiistii maanace, xumaanti loo wada aroor, adoon is asqeeyiyo, daalin arxan la'baa uurkaaga jiifee, aadahaa is wada dilayoo, unuunka is wada jarayee, ablayda isu sida, cid amaan haysataa jirin. islaamkana ha sheegin, aroor walboo timaada, ilmaa hooraysoo, umal iyo dhibaatiyo , way kala irdhoobeen, balose waxay ahaatay, goortay aba...