Qof Waliba Nolosha Qiso Gaar ah ayuu Ku Leeyahay
Maalin maalmaha kamid ah ayaa wiil 24 jir ah waxa uu saarnaa tareen weliba daaqada tareenka kursi udhawaa,in cabaar ah markii uu tareenkii socday ayaa wiilkii waxa uu daaqada ka dhex arkay geed ku yaalay wadada dhinaceeda isla markiiba Aabihiis oo tareenka la saarnaa ayuu ku yiri;
Aabe fiiri geedka wadada dhinaceeda ku yaala!!
aabihii wuu dhoola cadeeyey kadibna lamaane meel udhawaa fadhiyey ayaa la yaabay hadalada caruurnimada ah ee uu wiilku ku hadlayo,isla judhiiba mar kale wiilkii ayaa hadana arkay daruur kadibna aabihiis ku yiri;
Aabe fiiri daruurta inala socota!!!
Lamaanihii oo is celin waayey ayaa weydiiyey odaygi wiilka dhalay
maxaad wiilka hospital ugeyn weysay? Aabihii ayaa dhoola cadeeyey kadibna ku yiri;
waan geeyey dhakhtar hada unbaana kaso laabanay oo wiilkayga indho la'aan ayuu ku dhashay hada ayuuna dib uhelay aragii!
duluc:(qof weliba meeraha aan ku noolnahay qiso ayuu ku leeyahay,hana xukmin qofka ilaa aad si dhab uh wax uga ogaato.)
runta way kaa yaabisaa waqtiyada qaar.
Comments
Post a Comment