Dulmarka waraabka Soomaaliya.
Dulmarka waraabka Soomaaliya.
Horumarinada waraabka beeraha ee Somalia waxa uu bilawday 1920-kii isaga oo la kowsaday hirgelintii mashruucii sokorta ee jowhar.
1920-kii iyadoo weli lagu jiro gacantii gumaystihii talyaaniga ee koonfurta Soomaaliya, dhowr meelood ayaa waxaa laga sameeyey waraabka xakamaha ah oo la maamulo iyo mid aad u baaxad weyn oo loogu talagalay inuu waraabiyo dalagyadii ganacsiga oo ay beeran jireen ganacsatadii talyaaniga ahayd ee dhulka haysatay.
Dalagyadii ugu badnaa ee xiligaa waraabka loo isticmaali jirayna waxa kamid ahaa suufka iyo mooska(muuska).
Intii u dhaxaysay sanadihii 1950 ilaa iyo 1960 daraasado hor leh oo ku saabsan waraabka ayaa la samaynaayey kuwaas oo loogu talagalay mashruucyo bilaw ahaa oo lagu ogaanayey carada iyo qaabka samaysanka dhulka soomaaliya. Waxaana la fuliyey dhowr mashruuc oo waraab ahaa kuwaas oo ay fuliyeen hay’adaha ((UNDP/FAO) sanadkii 1969.
1962-dii daraasad ay samaysay Shirkada Hunting Surveys Corporation Ltd ayey ku talo bixisay in la aas-aaso Hay’ada Horumarinta Beeraha ee dalka (Agricultural Development Agency-ADC ), kadibna 1965-tii ayaa la aas-aasay Hay’adan si ay mas’uul uga noqoto balaarinta horumarinta waraabka qaybaha koonfureed ee dalka mustaqbalka dhaw.
1967-dii, Hay’ada UNDP ayaa waxay ka samaysay webiga Shabeelle daraasad ay wax kaga ogaanayso sida hanaan waraab looga hirgelin karo iyo qaabka loo xakameeyo fatahaada (daadadka).
Daraasadu waxay xooga saaraysay qaabka beerasha, naqshadaha waraabka, maaraynta biyaha, iyo gorfaynta dhaqaalaha si go’aan looga gaaro suurtogalnimada hirgelinta hanaan waraabeed ku haboon wabiga shabeelle.
1976-dii, qaabka xakamaynta waraabka ayaa laga sameeyey magaalada jowhar ee gobolka shabeelada dhexe si uu u waraabiyo beerihii waxsoo-sarka sokorta loogu talagalay iyo mid kale oo isna laga sameeyey degmada Janaale ee gobolka shabeelada Hoose si uu isna u waraabiyo beerihii muuska.
Sidoo kale habab badan oo waraabka motoorka ah ayaa laga sameeyey degmooyin badan oo ay maraan wabiyada Jubba iyo Shabeele kuwaas ujeedkoodu ahaa inay waraabiyaan dhir beereedkii aagaas ka baxayey sida Khudaarta, galayda, suufka, mooska(muuska), sisinta, looska iyo dalagyo aad u badan.
Xadiga mashaariicda waraabka way soo kordhayeen ila laga soo gaaray 1980kii taas oo 60’000 hectare oo dhul horumarin waraab ah laga hirgeliyey degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka shabeelahah dhexe.
Intii u dhaxaysay sanadihii 1980 iyo 1990 meelihii laga sameeyey mashaariicdii waraabka waxay dhaxleen shabakad si fiican u shaqaynaysa oo waraab ah kaas oo ka kooban kanaalo iyo biyo-shuuro ama meelo ay biyaha ka baxaan.
Waxayna keentay in waraabku noqdo mid biyo joogta ah siiya beeraha kuwaas oo sugi jiray roobka iyo inay biyo ku daraan biyahii dhulka hoose.
Shaxda soo socota waa maagacyada mashaariicdii waraabka iyo badka dhulkii ay waraabin jireen.
SN PROJECT NAME π΅IRRIGATED AREA( HA)
- Military Farm/ Beletweyn π΅1,435 Ha
- Barroweyne Jowhar π΅180 Ha
- Jowhar Sugar Estate π΅10,579 Ha
- Balcad Flood Irrigation Project π΅10,000 Ha
- Afgoi-Mordile Project π΅1,560 Ha
- Agricultural Research Centre π΅1,560 Ha
- Asayle Project π΅4,563 Ha
- Genale Development Zone π΅9,221 Ha
- Degwariiri Zone π΅6,748 ha
- Bandar Development Zone π΅2,929 Ha
- Banana Drainage Project π΅3,884 Ha
- Der Flood Project π΅862Ha
- Grapefruit Production Scheme π΅2,065 Ha
- Farahane Project π΅4,883 Ha
- Golweyn Project π΅3,313 Ha
- Harduma Development Project π΅1,960 Ha
- Jeerow Development Zone π΅ 2,325 Ha
- Majebto Development Zone π΅1,628 Ha
- Mukoy Dumis Project π΅ 9,132 Ha
- Primo Secondario Banana Zone π΅3,956 Ha
- Qoryooley Project π΅6,379 Ha
- Shalambood Project π΅6,993 Ha
- Tahliil Development Zone π΅2,903 Ha
- Waagade Development Zone π΅3,461 Ha
- Refugee Farm π΅ 5,487 Ha
- Kurtunwarey Irrigation Scheme π΅4,900 H
- Farjano Project π΅16,000 Ha
- HawayProject π΅ 395 Ha
- Fanoole Rice Irrigation π΅1,800 Ha
- Homboy Settlement Project π΅14,318 Ha
- Juba (Mareerey) Sugar Project π΅7,000 Ha
- Mogambo Irrigation Project π΅2,364 Ha
- Banana Plantations Irrigation π΅3,400 Ha
Dhulka mashaariicda Guud Ee waraabka waa π΅158003 Ha
Ha halkan waxaa laga wadaa Hactare oo ah cabirka beeraha loo adeegsado.
warbixintan waxaa asalka englishka diyaarisay Barnaamijka biyaha iyo dhulka ee Soomaaliya ee SWALIM
waxaana af-soomaali utarjumay
Qoraa:
Qoraa:
Mohamed Osman Abdulkadir
+252616002014
mohamedshukri2@gmail.com
Mogadishu-Somalia
Comments
Post a Comment