Fariin : Beerwalihii Baladul-Amiin.

Fariin : Beerwalihii Baladul-Amiin.




Magacaygu waa Ali, waxaan kamid ahay beeralayda soomaaliyeed, waxaana ku noolahay deegaanka Baladul-Amiin oo ku yaala gobolka shabeelaha hoose, koonfurta soomaaliya halkaas oo gurigayga iyo beertayduba isku meel kuwada yaalaan.

Waxaan ahay xaasle, waxaana ii joogto shan caruur ah oo aan aad ujeclahay waxayna ka koobanyihiin 3 gabdhood iyo laba wiil, curadkaygu waa wiil 5 jir ah waxaana yaraan ii ah Salma oo lix bil jir ah, waxaana ku wada noolnahay aniga, xaaskayga iyo caruurtayduba farxad aan dhammaad lahayn.

Beeruhu waa isha kaliya ee aan aniga iyo beeralayda deegaankayga aan ku tiirsannahay dhaqaalo ahaan.Beertayda qiyaas ahaan waa 7ha ama hektar (hectare: cabirka beeraha) taas oo aan ka dhaxlay aabahay.

Taniyo waa horeba, waxaaanu tabcan jirnay khudaarta iyo dalaga bixitaankooda uu sahlanyahay kuwaas oo inta badan beeralayda yar-yar ay aad u beertaan waayo ma heli karaan dhaqaalo ay ku tacbadaan geed miroodyada iyo dalaga-dakhliga fiican laga helo kuwaas oo ubaahan maarayn gaar ah sidoo kale awood uma laha inay adeegsadaan qalabyada waaweyn ee falida dhulka iyo carro rogaba.

Inkasta oo waagii hore oo ay dawladu jirtay xaalad ammaan iyo xasilooniba leh aanu wax ku beeran jirnay oo suuqgeynta daladyada noo baxana ay aad ufiicnayd hadana horumar kale maanan heli jirin sida tababarada iyo aqoon-kororsiga cilmiga beeraha ku saabsan. Hadana xaaladeenu aad ayey ufiicnayd oo qoysaskeena nooligooda waan soo saaran jirnay inagoo wax cabsi ah aanan qabin.

Dawladnimo iyo dawlad la’aan kalase dooraane, bur-burkii markuu dhacay, dhibaato tii udarnayd ayaa dalkoo dhan ka dhacday taas oo keentay inaanan beeraheenii sidaan rabnay wax uga soo saaran wayno.

Dhowr arimoodba waa isugu kaaya darsameen; colaad iyo qax joogto ah oo nagu sababay inaan deegaankeenii dhowr jeer ka barakacno si aan ubadbaadno. Qaarki aan barakicin ee deegaanka iska nasiibsaday Iyana dhibaato kalaa ku dhacdayoo waxay naxdin iyo cabsi ku saaraan oo ay beertaanba tuug iyo mooryaan aan damiir naxa lahayn ayaa ka dhaci jirtay oo ka qaadan jirtay.

wax kasta ha joogtee, abaaro soo noq-noqda oo deegaanada soomaaliyeed ku dhuftay waxay keeneen inuu hoos udhac aad uweyn ku yimaado wax-soosaarka beeraha ee deegaankeena qaar badan oo beeralaydii deegaanka kamid ahaydna waa ay iska dhaafeen tabcashadii beeraha, waxay miciin bideen deegaano kale si ay nolol mida deegaanka dhaanta uga helaan.

Sanadihii udambeeyey deegaankeena waxaa aad usaameeyey dagaalo aan joogsi lahayn taas oo ka dhigtay beerihii deegaankii baladul amiin goob baabuurta ciidamada ay aagag ka samaystaan kuna dul dagaalamaan.

Ugu dambayn qofka kasta oo fariintan akhriya waxaan ogeysiinayaa in kaligay aanan xaalkan ku sugnayn balse malaayiin beeralay soomaaliyeed oo gobol kasta joogta ay xaaladan iyo mid ka daran ku suganyihiin, qaar waxay la’yihiin ammaan iyo nabad ay wax ku beertaan, qaar kalena ma haystaan qalab, tababar iyo aqoon ku filan oo ay ku horumariyaan wax-soosaarkooda beeraha, hadaba waxaan ku ogeysiinayaa in beeralayda soomaaliyeed ay ubaahanyihiin gacan-qabasho iyo taageerid muuqata oo ka madax-banaan mashaariic aan joogto ahayn oo hay’ado laga soo qaato balse damqasho walaaltinimo iyo taageero bilaa dan qarsoon ah .

Muwaadin Beeralaydu Jawaab ayey kaa sugayaan!!!!!

Beerwalihii Baladul-Amiin
Ali 

W/Q: MohamedShokri Osman.




Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Maanso: Goblan Talo Aduunyooy.

Agribusiness in Somalia.

Somali Youth in Agribusiness