Posts

Showing posts from March, 2019

Tix Kooban: Ninka

Image
Tix Kooban: Ninka Gad-gadoonka waayaha, ninkaysan gelina uhiilin, ninka gurigii gubanahayoo, gacalna aan haysan, gudcur iyo abaariyo, ninka ciil la gaamuray, ninkay gaajadu dilootayoo, gasiina aan helin, ninka xaajadiisu guracantoo, gartiisu adkaatay, ninka gaal iyo islaamiyo, uumiyuhu wada gooyey, ninka ehelkiisu is wada gaadhayoo, gedi isu gaboodfalay, oo gogoshii nabadiyo diiday, xaajo gorfaynteed, ninka iyo ninkaas goohayoon, gaabsan baan ahaye, Guulow Allahayow, adigaan gacantayda kuu hoorsadaye, ha igefsiin maanta, oo geyigayga soomaali, guri barwaaqiyo, hoy lagu gam'iyo, ka yeel goobtii Nabada. Aamiin..... Aamiin.....Aamiin waxaa Qoray:  MohamedShokri Othman Date: 20/03/2019

Maanso: Qumantii Badweynta

Image
Maanso: Qumantii Badweynta Galab galbaha kamid ah baan aniga saaxiibkay  Abdifatah Abdiaziz Mohamud isu raacnay xeebta Liido ee Degmada Abdi-asis si aan nasiino yar iyo hawo fiicanba ugu soo qaadano. waxaanu tagnay mid kamid ah hotelada aagaas ku yaala, in cabaar markaan sheekaysanay waa iska galabe ayaanu shaah dalbanay, isla durbadiiba waxaa inoo yimid gabadh joog iyo jamaalba leh oo ixtiraam iyo weji furnaanta qalbiga jiiraysana ku darsatay, si aayar ayey dalabkii nooga qaaday adeegeenii si deg-deg ah baa naloogu keenay gabadha dhoola-cadeynteedii iyo soo dhawenteedi ayaaba wax loo dhigo lahayn wax kaleba daayoo, aniga iyo qof kasta oo halkaa joogayna inay iyada dalabka naga qaado ayaanu iska rabnay waa dareenka halkaas ka jiree. aniga shaqsiyan waan ogolaan waayey in gabadhaas ay dadka oo dhan adeeg ka qaado waayo ma mudnayn xaqiiqdii, doonistaydana ha iska ahaatee, waxay ila ahaatay in boqoradaas ay ahayd in iyada loo adeego. waxba yaan hadalka b...