Posts

Showing posts from December, 2019

Qiso wax weyn kaa badali doonto

Image
Anigoo yar da'deeduna tahay 12-sano ayaan kasoo tagay tuuladii aan ku noolaa ee Xiindheere, Gobolka Galgaduud. maanan aqoonin meel aan aado balse waxaan soo abaaray wadada weyn ee laamiga taas oo gawaarida xamuulka ah ay adeegsadaan, waxaan u imid niman uu gaari wadada uga halaabay kuna hawlan ka shaqayntiisa. is waraysi kadib waxaan usheegay inaan xaafadaydii aan kasoo tagay meel kale oo aan aadana garanayn sidaas darteed aan go'aansaday inaan wadada weyn iska tago, durbad iibada raggii gaariga la joogay waxay ii sheegeen inay ikaxaynayaan oo aan gaariga kala shaqayn doono. safarkii iigu horeeyey waxaan ku aaday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, Puntland, hawl kalena maanan aqoonine waxaa la ii xil saaray inaan raashinka kariyo. waqti badan oo aan gaariga ka shaqaynayey waxaa ii siyaaday waayo iyo khibrad aad ubadan oo aan helay weliba deegaano badan oo aan waligay maqal ayaan tagay, dal iyo dadba waan bartay ilaa iyo xad. halka shay oo aan uga duwanaa raggii...